arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sixir Dartii.. Haweenay iyo Afarteeda Caruur Ah oo La Dilay Meydkoodana Ceel Lagu Guray! (Muuqaal)

Ciidanka India ayaa raadinaya nin lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay dil loo geystay haweenay iyo 4 caruur ah oo ay dhashay, iyagoo u dilay iney sixir ku lug leeyihiin.

Sida ay qortay shabakadda BBC qeybta luqadda Ingiriiska ku hadasha, booliska gobolka Oriisa ilaa hadda waxey gacanta ku dhigeen 6 qof oo la aaminsan yahay iney dilkaa ka dambeeyaan iyadoo kuwa kalena la raadinayo.

Meydka hooyadan oo la oranjiray Mangeri Monda iyo afarteeda caruur ah waxaa laga helay ceel ku yaalla meel u dhow gurigeeda January 26.

In sixiroolayaasha la dabadhigto oo la laayo waxey ka jirtaa gobollo badan oo dalka India ka ah, waana kacdoon si gaar ah loogu ugaarsado dumarka.

Kafita Jelan oo ah askari ciidanka booliska India ka tirsan ayaa sheegay in qofkii ugu weynaa ee dembigan loo qabtay uu ahaa qof sheegtay inuu dadka sixirka ka daaweeyo.

Jaruary 25, rag koox ah ayaa waxey u dhaceen guriga Monda xilli habeenka dhex bartamihiisa ah, xilligaas iyada iyo caruurteeda oo da’aadoodu u dhaxeysay sanad ilaa 12-sano jir wey hurdeen,  waxeyna ku jafeen garweyn iyo faash, kadibna maydkii ceel ayey ku gureen.

Boolisku waxey sheegeen iney dadka kale ee dilka lagu tuhunsan yahay ee ku lugta leh ay ku daba jiraan, waxa uu tilmaamay iney lagama maarmaan tahay in wacyiga muwaadiniinta kor loo qaado gudaha tuulada, howlaha ay faraha kula jiraan ee dilka iyo sixirkana laga wacyigeliyo.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close