WararkaWaxbarashada

4 Calaamadood oo Kuu Sheegaya Inaad Ku Jirto Nolol Leh Jacayl Dhab Ah(Muuqaal)

Jacaylku waa dareenka la is dhaafsado kan ugu quruxda badan, laakiin xilliyada qaar dadku waxey ogaadaan iney ku nool yihiin dhalanteed magaciisu yahay jacayl, sidaa darteed; waxey is weydii yaan su’aasha ah: Muxuu yahay jacaylka dhabta ah, taas oo jawaabteeda uu soo bandhigay websiteka psychology today, oo aan idiin soo gudbineyno.

Jacaylka dhabta ah waxaa lagu gartaa afartan astaamood oo kala ah:

  • Isu run sheeg

Jacaylka dhabta ah calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah in labada dhinac ay ku fakaraan sidii midba midka kale uu u farxad gelin lahaa uu waxwalba u huri lahaa dartii, daacadna ugu noqon lahaa, waxyaabaha xiriirka mugdi gelinayana uu uga fogaan lahaa.

-Is-faham

In uu is faham jiro oo waxwalba la isla ogol yahay, oo laga dheeraado isku dayga in qofka kale ra’yigiisa la xakameyn, arrin walba wey ka tashadaan oo go’aanka saxda ah ayey ka gaaraan.

-Isa saamaxaad

In lamaanahaagu uu fahmo marka aad careysan tahay oo uu isku dayo inuu caradaada xakameeyo oo uu meesha ka saaro, si xal waara loo gaaro, dhanka kale waa in gacmihiisu ay furan yihiin oo saamaxaad ay jirto.

-Inuu horey kuu riixo

Calaamadaha lagu garto jacaylka dhabta ah waxaa ka mid ah, waa in aad aragto in lamaanahaagu uu marwalba ka fakaro mustaqbalkiinna iyo sidii aad horumar ku gaari lahaydeen, uuna isku dayo inuu ku dhiirrigeliyo inaad shaqadaada horumar ka sameyso uu kugu taageero, si garabkii aad u baahneyd ee aad horey ugu dhaqaaqi lahayd aad u hesho, laakiin marnaba kama suurtaggal aha inuu ku niyad jabiyo.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close