arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Gabadha Yar ee Ugu Xanaaneynta Badan Adduunka.. Waa Lix Jir U Guntantay Daryeelka Aabaheed oo Xanuunsanaya Kadib Markii Ay Hooyadeed Ka Carartay (Muuqaal)

Waxaa ku dhabowday maahmaada caanka ah ee caalamiga ah ee oraneysa ‘Qofka aan gabar haysan xanaano kama dhargo’,  gabar yar oo lix sano jir ah oo ka soo jeedda waqooyiga Shiinaha ayaa la wareegtay xanaaneynta aabaheed oo cudurka baraleyska uu ku dhacay, kadib markii ay hooyadeeda iskaga tagtay oo xanaanadiisa ka carartay.

Gabadhii yareyd ayaa qof caqli badan noqotay oo muddo kooban mas’uuliyad xooggan ku qaadday, guriga iyadaa maamusha, aabaheedna daryeesha. Iyadoo ay jirto in xaaladda ay ku adag tahay aabaheed in uu wax qabsado uu ku dhiban yahay maadama uu dhaqaaqiisu kooban yahay, caafimaadkiisa oo adag darteed, kadib markii gaari kiro ah uu god kula dhacday kadibna neerfayaasha uu wax ka noqday, labo bilood iyo bar kadib ayaa xaaskiisu ka tagtay, waxey kaxeysatay wiilkeeda curad, waa sida ay qortay jariidada Daily Mail.

Jiyaa-jiyaa, waa gabadha ugu xanaaneynta badan adduunka, waa sida dadka oo dhani ay ku raaceen, maalinteedu waxey bilaabataa 6 subaxnimo, aabaheed ayey ku taageertaa inuu mayrto, raashinka quraacdana iyadaa gacanteeda ugu diyaarisa, waxwalbana wey u sii qabataaa inta aanuu iskuulka aadin ka hor.

Jiyaa-jiyaa nolosheeda si caadi ah ayey u wadataa sida caruurta kale oo la da’da ah, iskuulka ayey tagtaa waqtiga loogu talalay, ma dib dhacdo, wax cudur-daar ah lama tilmaaddo, waa sida ay qireen macallimiinteeda iyo aabaheed, marka ay iskuulka ka timaaddo waxey sii dhammeystirtaa daryeelka aabaheed, waxeyna raashinka u diyaarisaa xilliyada qaar iyadoo kaashaneysa ayeeydeed.

Jiyaa-jiyaa oo la hadashay Jariidada Daily Mail ayaa waxey tiri: “Waxaan dareemaa xasillooni marka aan waalidkey u adeegayo, marnaba ma daalo, laakiin waxaan u xiisaa walaalkeyg oo iga dheeraaday iyo hooyadey, maadama aan wada ciyaari jirnay.”

Gabdhan yar aabbaha dhalay oo la yiraahdo Tiban Haytshing ayaa waxa uu sheegay inuu ku fakaray inuu nafta iska jaro kadib markii ay xaaskiisu ka tagtay iyadoo wadata curadkii reerka, laakiin “Jiyaa-jiyaa” ayaa ka garabsiisay inuu marxaladda adag uu ka gudbo, maadaama uu xanaaneyn joogta ah ka helay gabadhiisan yar.

Waxa uu sheegay in gabadhan yar ee Lix jirka ah ay timo jarista dartii u baratay.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close