WararkaWaxbarashada

Gudaha Airport-ka ugu Mashquulka badan Dunida.. Sanadkii Waxaa Ku Safra Dad Ka Badan 100-milyan oo Qof (Muuqaal)

Airports-ka Caalamiga ah ee Hartsfield-Jackson Atlanta International Airport waa kan ugu mashquulka Badan Adduunka.

Naaneystan waxa uu haystay laga bilaabo 1998, Airport kani waxa uu u adeegaa 275 kun oo qof maalin walba.

Maalintii waxaa ka baxa 2700 oo falayt oo ah diyaarado soo dagaya iyo kuwo kale oo ka duulaya.

Barxadda ay diyaaraduhu ku soo xidhaan badkeed waxa uu ku fadhiyaa 4700 oo hiktar.

Waxey dadku raacaan tareen ay maalin walba ku safraan 200-kun oo qof oo oo mara waddo dhirirkeedu yahay saddex mayl oo isku xirta dhammaan dhismayaasha airport oo boosteejooyinkooda ay ku soo xirtaan.

Waa shirkadda ugu weyn ee shaqaaleysiinta Jorjiya, waxaa ka howlgala 63 kun oo shaqaale ah.

Dhaqaalaha magaalada waxa uu sanadkii soo geliyaa 34.8 bilyan oo doolar oo magaalada Atlanata soo gala.

Airportku xilli kasta adeegyo cusub ayaa lagu soo kordhiyaa.

Qofka ishiisa ayaa lagu aqoonsadaa iyadoo aan baaritaanku waqti badan qaadaneyn.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close