WararkaWaxbarashada

Shaqsigii Ugu Taajirsanaa Taariikhda Aadanaha… Khariidad Qalin Qoraal ah 11 Qarni Ka Hor La Qoray oo Dhawaan Lasoo Bandhigay(Muuqaal)

Cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda North West ee dalka Mareykanka ee gobolka Illinois, ayaa soo bandhigay nuskhadda khariidad qalin qoraal ah oo la sawiray qarnigii Sagaalaad ee miilaadiga, waxaa lagu magacaabaa khariidadan Catalan Atlas , waxaana ku xardhanaa sawirka ninkii ugu taajirsanaa taariikhda.

Sida uu qoray website-ka Live Science, khariidadan la helay ayaa waxaa la qoray sanadkii 1375, waxaa lagu qaray jasiiradda Mallorca  ee ku taalla badda Mediterranean Sea, hadda waa qeyb ka mid ah Spain, khariidadan ayaa waxaa ku sawiran, qor ka mid ah boqorradii galbeedka Afrika oo lagu magacaabo Mansa Muusaa oo gacanta ku wata lacag dahab ah gacmihiisa buuxiiyay.

Maamulaha bandhigga khariidadan lagu soo bandhigay oo la  yiraahdo Kaathaliin Bikfoord ayaa sheegay in boqorkani uu Mali xukumaayy muddo 30-sano ah dhex bartamihii qarnigii 9aad, waxa uu gacanta ku hayay warshadaha dahabka ee gobolka galbeedka Afrika oo dhan, dahabka gobolkaa laga helo waxa lagu tilmaamaa inuu yahay kan ugu wanaagsan uguna tayada badan, uguna suuqa fiican adduunka.

Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Waxaa adag inaad maleysao in hantidiisa oo kale qof maanta jooga uu heli karo.”

Qarnigii 9aad dahabka Mali laga soo saaro waxaa loo adeegsaday si loogu qiimo rido diinaarka oo ahayd lacagtii xilligaa loogu adeegsiga badnaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close