WararkaWaxbarashada

Shirkadda “Nike” oo Lagu Haysto Lafdiga “Allaah” ee Carabiga u Qorma oo Ay Ku soo Daabaceen Kabaha Air Max 270.. Jawaabta Ay Shirkaddu Ka Bixisay (Muuqaal)

Shirkadda caanka ah ee Nike ayaa cadaadisku ku sii kordhayaa si ay suuqa uga saarto nooc ka mid ah kabaha ay soo saarto, kadib markii uu ol’ole laga soo horjeedo uu ka bilowday internetka, maadama kabaha halkooda hoose lagu arkay qoraal shabbaha erayga Allaah ee luqadda Carabiga.

Sida ay qortay Bloomberg ol’olahan ayaa waxaa bilaabay qof ka mid ah macaamiisha shirkadda oo uu arkay in aan laga qaadan karin in shirkadda Nike ay ogolaato eray la hal maal ah ama shabbaha Allaah in lagu soo qoro dhanka hoose ee kabaha “Air Max 270”, maadama ay dadka oo dhani og yihiin in kabaha dhulka lagu dul maro.

Saiqa Noreen xubin firfircoon oo ka tirsan ol’olaha kabahan looga soo horjeedo ayaa tiri, waa xumeyn ku talogal ah, waxeyna ku baaqday in kabaha sawirkani uu ku qoran yahay suuqa laga saaro.

Shirkadda Nike oo arrintan ka hadashay ayaa sheegtay in erayga dooddan dhaliyay uu yahay mid laga soo gaabiyay Air Max oo logo ahaan loogu talogalay, waana logo-da Air Max lagu garto.

Ol’olaha kabahan looga soo horjeedo waxaa illaa iyo hadda saxiixay 16 kun oo qof, dadka u taagan waxey doonayaan iney gaaraan 25 kun oo qof, laakiin dad kooban oo tirsan dadka adeegsada internetka ayaa dhaliilay qeylada ay dadka qaar ka muujinayaan arrintan waxeyna ku sheegeen iney tahay mid aan caqli ahayn, maadaama xarfaha shirkadda uu si cad uga muuqdo logo-da, wax tusinaya sawirka eraga Allaahna aanuu ku jirin.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close