arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Jacayl Ayey Ku Wada Noolaayeen 70 Sano.. Xitaa Geeridu Ma Aaney Kala Geyn (Muuqaal)

Qisada dhimashada lamaane Australia u dhashay ayaa khushuuc ku abuurtay qalbiga qof kasta oo daawaday ama qisadooda ka akhrisay jaraa’dka iyo website-yada caalamka, laga soo bilaabo dhakhtarkii diiwaangelinayay xilligii geeridooda.

Lamaanahan is qabay ee reer Austaralia oo la kala yiraahdo Norma June Platell (90-jir ah) iyo Francis Ernest Platell oo (92-jir ah), ayaa waxey ku geeriyoodeen guri dadka waayeelka ah lagu xanaaneeyo habeenkii January 6 , 2019, halkaas oo ay ku noolaayeen xilliyadii dambe oo ay ku sugnaayeen labo sariir ah oo isku dhow, inta badan waqtigooda gacmaha ayey is-haysteen oo ay naftu kaga baxday markii dambe.

Kalkaalisada habeenkaas wey eegtay 10-daqiiqo oo kormeer ay ku sameynaysay, waxey ogaatay iney nolosha ka dhaqaaqeen, xitaa dhakhtarkii ku takhasusay wuu xadidi kari waayay farqiga waqtiga u dhaxeysay dhimashooda, markaa waxa uu goostay inuu yiraahdo isku hal-waqti ayey naftu ka baxday.

Nurman waxaa ku dhacay Alzhaymir oo saddexdiis sanno ee ugu dambeysay ay la dhibaatooneysay, cudurkii ayaa ku sii kordhay sanadkii hore, markii dambe hadalkiina wey gabtay, eraygii ugu dambeeyay ee afkeeda laga maqlo waxa uu ahaa ninkeyga, kadibna wax hadal ah oo dambe afkeeda kama aanuu soo bixin.

Faransas waxa uu ku dadaalay inta karaankiisa ah inuu xaaskiisa garabsiiyo, laakiin nadaafadeeda iyo cunto siinteeda ayaa ku adkaatay maadama uu yahay qof waayeel ah oo isagiiba daryeel u baahan, markaa waxa uu ku khasbanaanday inuu u diro guriga dadka waayeelka ah lagu xanaaneeyo.

Xaaskiisa wuu booqanayay habeen iyo maalinba, waqtiga ugu dheer ee suurtaggalka ah ayuu la qaadanayay, cashada meel ayey kuwada qaadanayeen telefishinka ayey wada daawaneyeen, inta badan garabkiisa ayey ku gam’aysay.

Fransis oo markii dambe isagana ay xaaladdiisu xumaatay ayaa isla goobtii ay xaaskiisu ku jirtay la geeyay, xilligaas laga soo bilaabo ilaa ilbiriqisiyadii ugu dambeysay noloshiisa aad ayuu ugu faraxsanaa inuu xaaskiisa ag- joogo.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close