CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

James Harison.. Shaqsiga Badbaadiyay Labo Milyan iyo Bar Caruur ah oo Ku Nool Daafaha Kala Duwane ee Dunida (Muuqaal)

Dhammaanteen waan maqalnay ama daawannay filimaanta ay waday Superhero ee dadka badan badbaadiya, laakiin waxaan u qaadannaa iney yihiin shaqsiyaad khiyaali ah oo gacan ku sameys ah oo waxa ka dhex guuxaya qofka filim soo saaraha ah ama alifaaga oo qura u sameeyay, qof ka mid ah Superhero-gaas weli kuma aanan riyoon inaan nolosheenna caadiga ah ku arki karno.

Laakiin, Dalka Australia waxaa ku dhaqan Superhero dhab ah, Disney ma aaney sameyn, Hollowoodna kama tirsana, Waa James Harison, ma rumeysan kartid marka aad maqashid  waxa uu badbaadiyay labo milyan iyo bar caruur ah oo ay suurtaggal ahayd inaaney arkin nuurka adduunka oo aaney dhalan, caruurtaa waxa uu ugu tabarucay dhiiggiisa naadirka ah ee adduunyada in meelo kale laga helaa ay adag tahay.

Dhiiggiisa dahabiga ah

Khubarada caafimaadku waxey heleen wax dhiigga james ka dhigay inuu noqdo mid naadir ah, hadda waa 82-jir, dhiiggiisu waxa uu leeyahay (antibodys) oo is waafajineysa dhiigga hooyada iyo ilmaheeda yar ee riximkeeda ku koraya, marka dhiigga hooyada uu nagativ yahay dhiigga ilmaha yar ee uurkeeda ku jiraana uu bosotiv yahay ama ay cagsi isku yihiin.

Markaa is waafajinta uu sameeyo dhiigga Hiroson ayaa waxaa ku badbaaday Labo milyan iyo bar caruur ah oo daafaha kala duwan ee dunida ku nool, waxaa ka faa’iiday hooyooyinka saameyn uu ku yeelan karey dhiiggoodu ilmaha uurkooda ku jirta ee laga baqayo iney soo dhiciyaan. arrintaasi waxey garab ka siisay hooyooyin badan iney caruurtooda si nabad qab ah ku dhalaan.

Dhiigiisa Harison waxaa laga sameeyay daawo is waafajineysa ilmaha yar ee uur ku jirta iyo dhiigga hooyadii, sida lagu sheegay qiimeyn la sameeyay Harison waxa uu badbaadiyay labo milyan iyo bar caruur ah, maadama uu dhiiggiisa si joogto ah ku tabarucayay, dhakhaatiirtuna ay ka sameynayeen daawooyin wax ku ool ah oo ubadkaa uurka hooyadood ku jira lagu badbaadiyo.

Dadku waxey ku naaneysaan inuu yahay qofkii dhudhunka dahabka ah lahaa, waana naaneys uu mutaystay, May 11, 2018 ayaa waxa u ahayd maalin taariikhi ah, xilligaas waxey u ahayd markiisii 1173-aad ee uu dhiiggiisa ku tabaruco, waana markiisii ugu dambeysay ee uu dhiig ku tabaruco maadama uu dalka Austaralia ka soo baxay sharci diidaya dadka 81 jirka ka weyn iney dhiig ku tabarucaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close