arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wiil Dhalinyaro Ah oo Labadiisa Waalid Ku Maxkamadeynaya Sabab Yaab Badan oo Aan Dad Badan Maskaxdooda Kusoo Dhicin! (Muuqaal)

Wiil dhalinyaro ah oo 27 jir ah oo ku nool caasimadda India ee NewDalhi ayaa labadiisa waalid maxkamad la tiigsanaya sabab yaab badan oo aan qofna maskaxdiisa ku soo dhicin.

Website-ka Odite Santaral ayaa waxa uu sheegay in wiilka dhalinyarada ah ee Rafa’il Samwel uu aaminsan yahay iney waajib tahay in ilmo dhalista la joojiyo, waxa uu sheegayaa in noolaha la dhalo iyadoon wax ogolaanshiyo horey aan laga haysan ay tahay arrin khaldan marka la eego dhanka akhlaaqda.

Samwel waxa uu sheegayaa inaanuu ka soo horjeedin caruur dhalista ama nolosha, si sahlan, waxaan aaminsanahay in qaabka nolosheenna ay mudan tahay marka hore in caruurta la dhalayo la waydiisto ogalaanshiyahooda.. nolosha waayaheeda adag maxaan ugu ogalaaneynaa iyagoo aan waxba la weydiin ama ogolaanshiyo aan laga haysan? tan waxaa lagu magacabaa nolol khasab ah.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan doonayaa in caruurta india dhammaantood aan u sheego inaan waalidkey jeclahay xiriir fiicanna uu naga dhaxeeyo.. laakiin dunidan ayey i keeneen si ay naftooda u farxad geliyaan iiguna indha qabowsadaan, ra’yigeyga ima aaney weydiin, maxaan dusha u saaranayaa dhibaatada nolosha anigoon markii hore dalban.”

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa waxaa Facebook uga furan bayj uu u bixiyay “Waxaan ka soo horjeedaa dhalmada”, waxaa saaxiib kula ah oo warkiisa la socda ilaa 500 oo qof.

Safxaddiisa marka aad booqoto faahfaahinteeda waxaa ku qoran: waxaan aaminsan nahay in dhammaanteen aan waalidkeen waydiinno sababta ay noo dhaleen.. waa in fasiraad cad ay ka bixiyaan.

Qof ka mid ah dadka xuquuqdooda u ololeeya ayaa sheegtay in dhaqdhaqaaqa Samwel uu yahay mid is-xilqaan ah oo aan maquunin ku jirin.. cidna waxba laguma khasbayo, laakiin waxa uu doonayaa iney dadku u fakaraan sida hadda qaab ka duwan.

Samwel faahfaahin kama aanuu bixin sida ra’yigiisa loo weydiin karo, laakiin waxaa muuqata inuu doonayo in waalidiinta tamartoodu ay tahay aaney dhalin caruur badan ama marka hore ilmaha ay dhali doonaan ay mustaqbalkooda ka fakaraan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close