arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Gabar Dharka Xayaysiisa Ayey u Dirtay Si ay U Hubiso In uu Daacad u Yahay iyo In Kale.. Dabinkii Ay U Dhigtay Sidii Ay Fileysay Si Ka Sii Foolxun Ayey Wax u Dhaceen (Muuqaal)

Gabar ayaa waxey doontay iney tijaabiso daacadnimada saaxiibkeed oo ay dareentay inuu damacsan yahay inuu guur u soo bandhigto kadib markii ay aragtay inuu internetka ka raadinayo faraantiga guur.

Sida ay qortay jariidada Metro ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, gabadhan ayaa waxey goosatay iney kaashato gabar caan ka ah YouTube oo la yirahdo (A Cheater To Catch) oo la macno ah fashilinta khaa’inka, gabadhan ayaa waxey u dirtaa gabar qurux badan ninka la rabo in dabinka loo dhigo si loo ka shifo inuu diyaar u yahay inuu lamaantiisa khiyaamo iyo in kale, muuqaalka ayaa la sawiraa kadibna YoTube-ka ayaa lasoo galiyaa.

Markaa waxaa loo diray gabar dharka xayaysiisa saaxiibka gabadhan, xilli uu meel maqaaxi ah fadhiyay, halkaas ayey isku barteen oo ay sheeko isku dhaafsadeen, halka saaxiibaddii ay meel fog ka daaawaneysay doodda dhexdooda ahna ay kala socotay oo ay ka dhageysaneysay, gabadhan lamaanaheedii dabinkii loo maleegay wuu ku dhacay, laakiin sida aad maleynayso si ka duwan.

Hawenaydii marka ay waydiisay shaqadiisa waxa uu u sheegay inuu kuug yahay, kadib waxey uga sheekeysay sida ay duxda ugu dhibban tahay, sheekadii ayey sii wadatay waxeyna is dhaafasdeen Instagramkooda si ay u wada xiriiraan, kadibna wey wada ciyaareen, laakiin halkaa waxba kuma aaney dhammaan.

Markii gabadha dharka xayaysiisa ay u sheegtay inaaney wax lamaane ah lahayn, waxa uu u sheegay inuu gabar la socdo hadana ay uur u leedahay, isla markaana uu doonayo inuu guursado. laakiin gabadha uu ka sheekeenayay ma aaney ahayn tii uu la socday ee u haysatay inuu guurkeeda doonayo ee waa mid kale oo aan xisaabtaba ku jirin.

Intii goobta la joogay ayaa waxaa timid gabadhii uurka u lahayd ee saddexaad oo uu maqaaxida ku sugayay.

Waana muuqaalka uu faafiyay janal YouTube ah oo dhacdadan soo bandhigay, waxaa soo baxay xiriir saddexaad oo aan markii hore lagu tashan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close