WararkaWaxbarashada

Oday 70 sano Ay Ku Qaadatay Inuu Dhiso Beer Lagu Madadaalo oo Nooceeda oo Kale Ay Dunida Ku Yar Tahay (Muuqaal)

Haw Par Villa, waa nooc goonni ah iyo beer ay dadku u dalxiis tagaan, waxey ku taalla Singapore.

Waa beer ay dadku ku madadaalaan, qalab lagu ciyaaraa ma yaallaan, laakiin taa bedelkeeda waxaad ka helaysaa sawirro farshaxan ah oo ka badan 1000 nooc oo laga sawiray taariikhda iyo sheekooyinkii dhaqanka u ahaaa dadka Shiinaha.

ninkani noloshiisa inteeda badan waxa uu ku qaatay beertan, waxey u tahay qoyskiisa iyo qaraabadiisa aadna wuu u jecel yahay.

Anigu waxaan ahay Teo Veoh Seng, Halkan waxaan ka shaqeynayay muddo 70-sano ah.

Shaqada aan ka qabto Haw Par Villa inaan ilaaliyo farshaxanka iyo dioramas-ka sawirrada.

Inaan hagaajiyo oo dheehooda dib u soo celiyo…. iyo wixii la halmaal , waxaan shaqada bilaabay marka aan 13-sano jirka ahaa…sanadkan waxaa noqday 83 -jir… Awowgay, aabbahay iyo adeeradday halkan ayey ka shaqeeyeen.

Farshaxanka ayaa dib u dayactiraa… Goobo badan ayaan kormeer ku tagaa si farshaxankii dayactirka u baahnaa aan u hagaajinno.

Si aan u dayactiro, Marka koobaad, silig ayaan ku xiraa, kadib ayaan shamiitada saaraa, kadib warqad dhalo ah ayaan giijiyaa oo waan sii rinjiyeeyaa.

Hubaal waa Challengy(jaalanji).. hadda waan weynaaday, lugahaygu wey daciifeen, iima suurtaggal ah inaan farshaxanka koro.. caruurtaydu waxey igula dardaarmaan inaan xoog u sii korin.. iyadoo arrintaasi ay jirto, maadama aan halkan ka shaqeeyo, waxwalba aad ayaan ugu faraxsan nahay… Shaqadayda waan sii wadanayaa..waxaan si dhab ah u aaminsanhay inaan ka tirsanahay Haw Par Villa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close