arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wiil Dhalinyaro ah oo Milyaneer Ku Noqday Khalad Bank Ka Dhacay (Muuqaal)

Wiil dhalinyaro ah oo Britain ka soo jeeda da’diisuna ay  18-jir tahay ayaa milyoneer ku noqday khalad ka dhacay bankiga Nationwide ee gudaha magaalada Belfast.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa waxaa lama filaan ku noqotay in accounkiisa ay ku jireen 8.9 milayn oo giniga starlinka ah, waa sida ay qortay jariidada Daily Mail ee ka soo baxda gudaha dalka Ingiriiska.

Wiilkan dhalinyarada ah oo la yiraahdo Dane Gillespie, ayaa ayeydii ay siisay sheeg lacageed qiimihiisu yahay 8,900(sideed kun iyo sagaal boqor) oo ginida starline ka ah, sheegii ayuu sarriftay waxaanuu dhigtay bank oo waxaa loogu xawilay accounkiisa gaarka ah, faraca bankiga uu Belfast ku leeyahay khamiistii la soo dhaafay.

Subixii marka uu waagu baryay, ayaa waxa uu arkay in lacagtii accounkiisa ku jirtay ay si ka badbadis ay u qoran tahay, isla markaana uu yahay qof milyaneir ah xilligaa la joogo.

Hooyadii ayuu arrintii usheegay, waxey tiri ma rumeysan karo, dhowr saacadood ayuu wiilkaygu milyaneir ahaa, waxaa accounkiisa ku jiray 8.9 milayn oo guniga Istarlinka ah.

Waxey hadalkeeda sii raacisay, waxa uu igu yiri waxaan dalbanayaa gaari qaali ah, waxaan u sheegay inaan arrintaa loo baahneyn maadama aaney lacagtu teenna ahayn, waxey sheegtay in wiilkeedu uu 18 jir yahay, waxa kaliya ee ka guuxayayna ay ahaayeen inuu dibadda aado oo maalintiisa uu bannaanka ku soo qaato.

Afhayeen u hadlay Bankiga ayaa yiri; Wiilkan macmiilka ah waxa uu lacagta dhigtay farac yar, lacagta loo qoray sax ma aaney ahayn, ilbiriqsiyo gudahood ayaase khaladkaa lagu saxay, xilliga uu wiilkan yari lacagta ku arkayay accounkiisa, wax lacag ah oo heerkaa gaarsiisan ama ka badan intii uu dhigtay xisaabtiisa kuma aaney jirin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close