WararkaWaxbarashada

Madaxweyne Shirkad Ka Ganacsata Lacagta Internet-ka oo La Dhintay Passwordka Computerkii Shaqada.. Khasaaruhuna Waa 145 Milayn oo Dolar (Muuqaal)

Suuqyada lacagta Kanada kuwooda ugu awoodda badan ayaa waxey la kulmeen khasaare lacag u dhiganta 145 milayn oo dolar oo ka soo gaaray dhimashada shaqsi kaliya, oo haystay passwordka computerka ay lacagtaasi ku jirtay.

Bishii December ee la soo dhaafay, ayaa waxaa dhintay ganacsadihii reer Kanada Gerald Cotten, oo ahaa madaxa iyo aasaasaha shirkadda Kuwaadariga ee lacagaha electroniga ah ka ganacsada, kaas oo ka tagay lacago farabadan oo ka mid ah kuwo qarsoon oo qofina aaney gaari karin.

Xilligaa laga soo bilaabo ilaa hadda shirkadda iyo xaaskii uu qabay kuma aaney guuleysan iney furaan password ka computerka laptopka ah ee uu ku shaqeynayay mas’uulkii geeriyooday ee sirta gacansiga iyo lacagtuba ay ku jireen.

Shirkadda Kuwaadreega waxey sheegtay inaaney awoodin iney gaaraan lacago 145 milayn oo dolar ah oo ka mid ah lacagihii kaydka ee shirkadda, kadib markii uu geeriyooday Kotoon, waa sida ay sheegtay shabakadda CNN.

Koton oo 30 jir ah ayaa u geeriyooday xaruun dhanka caloosha ah oo uu ka soo qaaday mar uu India booqasho ku aaday.

Waxey u muuqataa in Koton uu ahaa qofka kaliya ee ogaa isla markaana gaari karay lacagata internetka ku kaydsan, waa sida lagu sheegay decomunty ay faafiyeen warbaahinta Kanada.

Haweenayda Koton uu ka dhintay oo la yiraahdo Jennifer Robertson oo ka hadashay computer-ka Koton ayaa sheegtay inuu ku shaqeyn jiray oo uu ahaa mid aan cidina jabsan karin cid kalena aaney la isticmaali jirin, waxey intaa sii raacisay inaaney haysan passwordka, waxey u soo kiraysay rag khubaro ah oo passwordka jabiya, laakiin cidina wey ka caalweyday, si loo gaaro xogta gudihiisa ku kaydsan.

Tani maaha markii ugu horreysay ee lacagaha internetka ee bitakwinta loo yaqaanno ay la kulmaan khasare lixaad leh, tuugada internet-ka jabsata ayaa waxaa u suurtagashay sanooyinkii dambe iney xadaan lacago qiimaheeda lagu qadaray malaayiin doolar oo internetka dhex taallay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close