arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Nin Ay u Suurtagashay Inuu Barto 32 Luqadood.. Waa Tee Luqaddii Ugu Adkeyd ee uu Barto (Muuqaal)

Magacaygu waa Ioannis Ikonomou, waxaan ka soo jeedaa Giriigga, waxaanan ku hadlaa 32 luuqadood.

Ruushka, Burtiqiiska, Norwegian, Turkish, Hungarian, Poland, ….. iyo luqado kale oo farabadan.

Ayoonis waxa uu ka mid yahay dadka loo yaqaanno Haybarboliglat oo la macno ah waxa uu ku hadli karaa luqado farabadan.

Markii aan labaatan jirka ahaa, waxaan aqaannay 15 luuqadood, markii aan u guuray Brussels oo aan shaqadeyda ka bilaabay mu’asasaadka Midowga Yurub, waxaan bartay luqadaha Rasmiga ah ee Midowga Yurub looga hadlo.

Ma arkaysaan Ayoonis si dhakhsiyo ah ayuu wax u bartaa.

Dabeecad ahaan waxaa jeclahay inaan wax badan ogaado, waxaan daahrogay waddo ii gaar ah oo luqado kale aan ku baran karo.

Arrintu kuma eka inaad guriga fariisato oo aad wax barato oo qura.

Waa inaad safarto oo dadka aad la sheekaysato.

arrintaas ayaa ii ah layliga ugu wanaagsan ee aan ku dhiso xirfaddeyda luuqadeed.

Waa wadada ugu wanaagsan ee luqad kasta aad ku baran karto.

Luqadaha aan bartay si maalinle ah ayaan saaxiibbaday ugu isticmaali karaa.

Dunidu waa goob weyn, dhaqamo kala gadisan iyo luqado kala duwan ay ka jiraan.

Waxaan ku hadlaa luqado farabadan, hal luqad oo kaliya ma isticmaalo, lamaanaheyga waxaan kula hadlaa luqadda Bolishka maadama ay halkaa ka soo jeeddo, waxa uu hiigsigaygu yahay inaan barto luqado kale, marka la isku daro luqadaha aan bartay dunida aan ku nool nahay si mug leh ayaan u fahmi karaa.

u yara kaadi, inta aanan tagin ka hor: Arrimaha aan kuu sheegay qofka ugu hor ogaanayaa waa adiga.

Waa tuma luqaddii kuugu adkayd inta luqadaha kala duwan aad baraneysay?

Mandraynka Shiinaha, hal xiraalihiina halkaas ayuu ku furmay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close