WararkaWaxbarashada

Xildhibaan Hore Uga Tirsanaa Baarlamaanka Holland Aadna U Necbaa Islaamka oo Soo Islaamay Islamarkaana Allifay Buug uu Ku Difaacayo Wanaagga Islaamka (Muuqaal)

Xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaanka Holland kana tirsanaa xisbiga xoriyadda dalkaas ee midigta fog ah Joram Van Klaveren, ayaa soo Islaamay halka uu markii hore uu ahaa dadka ugu mucaaradka badan Diinta Islaamka aadna wax uga sheegi jiray.

Klaveren oo 39 jir ah  ayaa waxa uu u xaqiijiyay idaacadda Holland Isniintii, intii aan shaqadan hayay waxaan la kulmay waxyaabo badan oo mugdi geliyay aragtida aan ka aaminsan nahay Islaamka.

Van Klaveren waxa uu baaralamaanka Holland ka tirsanaa 2010 ilaa 2014, waxaanuu baarlamaanka ku matalayay xisbiga Xoriyadda oo uu hoggaamiyo siyaasiga caanka ah ee Islaam nacaybka lagu yaqaanno Kheyrat Faldaras.

Van Klaveren, waxa uu xisbigaa ka baxay 2014, waxa uu xilligaa aasaasay awood siyaasadeed oo cusub oo uu u bixiyay magaca Xisbiga Holland, laakiin waxa uu ku fashilmay inuu mar kale ku soo boxo xubin baarlamaan 2017, siyaasaddana uu ka fariistay.

Van Klaveren, waxa uu caan ku ahaa Islaam nacaybka waxa uuna dhihi jiray Islaamku waa been la dhoodhoobay, Qur’aankuna waa sun, waa sida ay sheegtay jariidada NRC, oo wareysi la yeelatay.

Jariidadan ayaa waxey caddeysay in Van Klaveren uu ku dhawaaqay shahaadateynka October 26, 2018, xilligaas oo cilmi-baarisyo uu ka sameynayay diinta Islaamka.

Markii uu Islaamka qaatay ayaa waxa uu ka alifay buug uu ku difaacayo Islaamka, kuna caddeynayo in fikradaha lagaga soo horjeedo aaney sax ahayn.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close