WacyigelinWararkaWaxbarashada

6 Tallaabood oo Kaa Dhigaysa Qof Soo Jiidasho Badan oo Dadka Kale Saameyn Wanaagsan Ku Yeesha (Muuqaal)

Qofka soo jiidashada badan waa qof awooda inuu dadka kale saameyn ku yeesho, arrintaas oo ka dhigaysa inuu si dadbadan u maamulo dadka ku xeeran ee ku hareeraysan.

Maadama ay dadka oo dhani jecel yihiin iney noqdaan kuwo soo jiidasho badan, waxaan idiin soo gudbineynaa lix tallaabood oo kaa dhigaysa qof soo jiidasho badan.

1- U Dhaqan sida ay tahay dabeecaddaada caadiga ah, si aad ugu muuqato qof soo jiidasho badan, kama dhigna inaad noqoto qof dhammeystiran ama inaad ka badbadiso qosolka marka aad dadka kale u sheekaynayso, arrimahaasi dadka kale waxey ugu muuqaneysaa inaad tahay qof aan la xamili karin oo dhib badan, sidaa darteed; sida caadigaaga ah u dhaqan oo waxwalbaaba dhex dhexaad ha kuu noqdaan, si aad dadka kale u soo jiidato.

2- Ra’yigaaga hala gamban

Ra’yiga iyo fakarkaagu dadka kale wey soo jiitaan, ra’yigaaga ha u qarin adigoo ka baqaya falcelinta dadka kale, cid kale indho la’aan ha iska raacin oo cidna dameeri dhaan raac ha u noqon.

Ra’yigaaga si xorriyad leh u cabbir oo dadka kale dareenkooda ilaali, marka aad sidaa sameyso, waxaad noqoneysaa qof soo jiidasho badan.

3- Dadka oo dhan ixtiraam

Ilaalinta edebta iyo dhaqanka suubban waxey kaa dhigaysaa qof soo jiidasho badan, dadka oo dhan ixtirmaa, ka yar iyo kan weyn intaba dadka ugu yeer naaneys yadooda ugu fiican, ku dadaal inaad salaanto oo aad u mahadceliso dadka kale, caydana ka dheerow, si aaney dadku uga fogaan agtaada, marwalba oo aad dadka ixtiraamto waxaad helaysaa shaqsiyad soo jiidasho badan.

4-Isku kalsoonow

Haddii aad yeelan weydo kalsoonidii kugu filan oo kalsoonidu kugu yaraato  waxaa kugu adkaaneysa inaad noqoto qof soo jiidasho badan, marka aad naftaada ku kalsoonaato ayaa dadka kale ku siiyaan kalsoonidooda, sidaa darteed, waxaad u baahan tahay inaad kalsooni muujiso adigoon ka badbadin.

5- Baro Sida dadka Fikirka loo gaarsiiyo

Marwalba oo fikirkaaga aad dadka ku qancin karto si fudud oo wanaagsan, dadka kugu hareeraysan waad ku guuleysaneysaa qalbigooda, halka xulashada erayga ugu habboon ay si wanaagsan dadka fikirkaaga u gaarsiiso , marka aad barato sida dadka loola hadlo, waxey jeclaanayaan inaad marwalba la hadasho oo aad wax u sheegto.

  1. Ilaasho Farxadaada

Dudku ma jecla qofka cabashada iyo baasaysiga badan, ilaasho farxadaada si aad dadka kale u siiso, markaa waxaa kuu fududaaneysa inaad dadka kale soo jiidato oo aad saameyn ku yeelato.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close