WararkaWaxbarashada

Baro Sida Looga Adkaan Karo Dareenka Masayrka.. Saameyntiisana Lagu Yareyn Karto (Muuqaal)

Qofka wax jecel xilliyada qaar waxa uu dareemaa masayr, marka runta la isku sheego oo waxwalba la isku caddeeyo halkaas ayuu ku dhammaadaa, laakiin xilliyada qaaar dadka wuu ku sii xumaadaa oo maanta oo dhan uu masayr dareemaa shakiga iyo masayrkuna aanuu ka dhammaan, arrimahaas oo lamaanaha is qaba mushaakil farabadan u horseedaysa, xilliyada qaarna ay suurtaggal tahay in lagu kala tago.

Si hadaba maseyrka aad ula macaamisho, waxaa waajib ah inaad raacdo talooyinka oo aad ku baraneyso sida loola dhaqmo qofka masayrku hayo, waa sida uu sheegay website-ka Cosmopolitan.

Talooyin ku aaddan sida loola dhaqmo qof maseyrsan.

-Maseyrku waa calaamad ka mid ah caalamadaha jacaylka

Masayrku sabab la’aan kuma yimaado, waana calaamad ku tusineysa in lamaanahaagu uu xiriirkiina si weyn u daneynayo, sidaa darteed marwalba oo dhinaca kale waa inuu waxwalba caddeeyo isla markaana uu noqdo qof daacad ah, markaa masayrku wuu sii yaraadaa, sidaa darteed; waxaa waajib ah in xiriirka la isku run sheego oo waxwalbana la isku caddeeyo oo wixii uu mugdi ku jirana laga saaro.

  • In la isla ogaado in masayrku yahay arrin iska dabiici ah

Waa in la isla qiro in masayrku yahay dareen iska dabiici ah, isla markaana uu jacayl un keeno, sidaa darteed; waa in dareenkaa la ixtirmaamo oo aan la kicin, mas’uuliyadna la iska saaro dhanka kale oo dareenkiisa la dhowro.

  • In masaryka lala mucaamilo

Marka aad dareento in lamaanahaagu uu masayrsan yahay, waa inaad is dejiso oo sababta aad ku fakarto adigoo warqad ku qoraya, si ugu dambeyn loo hubiyo in masayrkaasi yahay mid dabiici ah ama matalaad, haddii masayrkaasi uu yahay mid dhab ah; waxaa waajib ah in dhanka kale loo run sheego, haddii aanuu dhab ahaynna waa in la iska illoobo oo loola dhaqmo hadba sida ay tahay dabeecadda lamaanahaaga.

  • Kalsoonida naftaada aad ku qabto

Cilmi-baarisyada la sameeyay waxey muujinayaan in dadka dareemaya iney nolosha bedello kale heli karaan haddii fursadda gacantooda ku jirtaa ay ka lunto, waa marka la kala tago, qofka wax jeclaada waxa uu dareemayaa marka la kala tago masayr, shaki iyo kala tagga oo uu ka xumaado, sidaa darteed; qofka lamaanahaaga ah waa inaad kalsooni siiyo, adiguna naftaada ku kalsoonaato, waa inaad aaminto in welwelkaaga iyo raadinta marwalba caddeyn inaan lamaanahaagu ku khiyaameyn inaaney waxba hakin karin, haddii wax xaqiiqo ah ay jiraan marwalba maalin un bay dibadda u soo baxayaan oo shaki la’aan la ogaan doonaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close