WararkaWaxbarashada

Billionaire Reer Ingiriis ah oo Ugu Tabarucay Jaamacadda Cambridge 100 Milayn oo Dolar Si Loogu Taageero Ardada Wax Ka Barata(Muuqaal)

Jaamacadda Cambridge University ayaa waxey heshay lacago tabarucaad ah oo gaareysa 100 milyan oo giniga istarliinka ah oo ka soo gaartay bilyaneir arday ka ahaan jiray jaamacadda, lacagtan oo uu ku tabarucay David Harding, ayaa waxaa lagu bixin doonaa qeybta ardayda arday PhD diyaarinaysa ee jaamacadda.

Jariidada The Guardian ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa sheegtay in jaamacaddu ay u dabbaaldagtay tabarucaaddii maaliyadeed ee ugu baaxadda weyneyd ee abid la soo gaarsiiyo oo ka soo gaartay qof samafale ah oo khayrka jecel oo bixiyay lacagtii ugu tiro badnayd ee uu soo gaarsiiyay qof kaliya taariikhda casriga ah ee jaamacadda.

Harding oo ka soo baxay qeybta Fisikiska ee jaamacadda oo markii dambe noqday Bilyaneir, ayaa waxa uu ballanqaaday in lacagtaa qaarkeed lagu taageeri doono ardayda saboolka ah, waxa uu sidoo kale tilmaamay in lacago kale ay ugu tabaruci doonaan jaamacadda.

Sanadkii 2000, ayaa Bill iyo Melinda Gates ay jaamacadda ugu tabaruceen 130 milyan oo gini jaamacadda si loo aasaaso sanduuq gaar ah oo laga taageero minxooyinka waxbarasho ee ay jaamacaddu bixiso, taas oo ahayd hadiyadii ugu weyneyd ee jaamacadda soo gaarta taariikhdeedan casriga ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close