WararkaWaxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo Dib U Howlgelisay Labo Iskuul oo Ku Waxyeelloobay Qarax 5 Bilood Ka Hor Ka Dhacay Gudaha Muqdisho (Muuqaal)

Iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee  Xasan Qariidi iyo Hoowlwadaag ayaa waxaa booqasho ku tagay  Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumada Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre,  labadan iskuul ayaa ku burburay qarax sanadkii hore ka dhacay xarunta degmada Hoowlwadaag ee gobalka Banaadir.

Wasiirka waxaa booqashada ku wehliyey wasiirka  qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo xubno ka tirsan midowga Yurub oo suurtagaliyay in iskuullaadkaa dib loo dhiso, waxey indho indhaynayeen sida ay waxbarashadu dib u dhiskii lagu sameeyay kadib.

Wasiirka wasaardda waxbarashada Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in dowladdu ay ku  dadaaleyso sidii loo heli lahaa iskuullaad si toos ah u hoos yimada wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka, wasiirku Midowga Yurub waxa uu uga mahadceliyay kaalintii ay ka geysteen dib u dhiska iskuullada ”Sida aad ka warqabtaan maanta waxaan isugu nimid dayactirka lagu sameeyay  labada iskuul oo dhib soo gaaray sanadkii hore, waxaana noo suurtagashay inaan waqi kooban ku hagaajino kuna dayac tirno munaasabdu waa taas waa dhismaha mustaqbalka intaan oo arday oo halkaan joogta”

Sidoo kale wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in maanta ay doonayaan iney dhagax dhigaan dugsi sare oo laga dhagax dhigayo dagmada Hoowlwadaag ee gobalka Banaadir: ”Waxaad aragtaan ardayda iskuulaldaan hoose,dhexe iyo weliba sare in hal meel ay wada joogaan ,maanta sidoo kale waxaan isugu nimid inaan dhagax dhigno dugsi sare oo qaasa ardayda dugsiga sare kaas hoos imaanaya wasaaradda waxbarashada Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya.”

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay u qeybsanaha midoowga Yurub ee Soomaaliya Mr Jean-Marc Andre oo sheegay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay in Soomaaliya ay ka gacan siiyaan dhanka waxbarashada.

Waxa uu sheegay inuu isagu shaqsiyan wasiirka la soo xiriiray una ballanqaaday inuu labadaa iskuul dib u dayactir ay ku sameyn doonaan, waxa uu tilmaamay in 5 bilood kadib ay ku faraxsan yihiin in labadii iskuul dib loo furo oo ay ardaydu dhiganayaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close