arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Cilmibaaris: Dadka Ahluddiinka Ah Wey Ka Farxad Badan Yihiin Asaaggooda Kale ee Aan Diinta Si Wanaagsan Ugu Dhaqmina

Daraasad cilmiyeed cusub oo dalka Mareykanka laga sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka ahluddiinka ah ee diintooda si wanaagsan ugu dhaqmaa ay ka farxad badan yihiin asaagooda kale ee aan diinta ku dhaqmin.

Xarunta Pew ee cilmibaarisyada dalka Mareykanka, ayaa waxey dhiraandhirin ku sameysay xog laga soo uruuriyay dowlado ka badan 20-dowladood, si ay is barbardhig ugu sameeyaan nolosha shaqsiyaadka ahluddiinka ah ee diintooda si wanaagsan ugu dhaqma iyo dadka kale ee seegseegga badan ama diin laawayaash ah.

Guud ahaan, Cilmibaarayaashu waxey ogaadeen in dadka ahluddiinka ah ay ka farxad badan yihiin dadka kale, laakiin taasi kama dhigna iney ka caafimaad badan yihiin, marka la eego dhanka sports oo la ciyaaro iyo saamiga baruurta ee jirkooda saaran, dhinacyada cilmibaaristan lagama eegin.

Cilmibaarayaashu waxey sheegeen in xiriirka diinta iyo caafimaadka ka dhaxeeya in aanuu kala caddeyn, laakiin natiijada ay gaareen dadka ahluddiinka ah sareedada iyo farxadda ay haystaan ay ahayd mid aad u cajiib ah oo layaab badan gelisay.

Daraasaddan ayaa dadkii ka qeybgalay u qeybisay saddex kooxood, qolo si dhammeystiran oo nidaamsan uga soo dhalaasha waajibaadkooda diimeed, kuwo xilliyada qaar gaabis ah iyo kuwo kale oo aan diinba haysan oo diin laawayaal ah.

Saddex meelood oo meel, in u dhiganta (36%) dadkii Ahluddiinka ahaa ee ku dhaqnaa gudaha Mareykan waxey sheegeen iney aad ugu faraxsan yihiin noloshooda marka lala barbardhigo dadka dhex dhexaadka ah iyo kuwa diin laawayaasha ah.

Tusaale kale, in ka badan 45% ahluddiinka reer Australia waxey sheegeen iney haystaan farxad aad u ballaaran, in kastoo wadamada qaar aan la arkin farqi sidaa u sii buuran oo u dhaxeeya saddexda kooxood farxadda ay haystaan.

Dadka ahluddiinka ah waxey u janjeeraan iney qaataan go’aanno sax ah, inta badan waxey sheegaan in alcohol ka ay ku yar yihiin amaba aaney gebi ahaan isticmaalin, waa sida ay daraasaddani sheegtay.

Natiijada daraasaddan ayaa soo baxeysa xilli dhawaanahan la sameeyay cilmibaarisyo farabadan oo tilmaamay in diimaha oo lagu dhaqmo ay si wanaagsan u saameyso dadka sida joogta ah ugu dhaqma ee waajibaadkeeda u nooleeya.

Sidaas oo kale, daraasad la sameeyay xagaagii hore ayaa muujisay in diintu ay dadka ku dhaqma ku taageerto inaaney kalinimo dareemin.

Cilmibaare ka tirsan jaamacadda Michigan oo la yiraahdo Todd Chan ayaa yiri: “Diinta waxaa loo adeegsan karaa xiriir bedel u ah waxyaabihii laga heli jiray xiriirka aadanaha.”,

Si kastaba, daraasaddan natiijada ka soo baxday ayaa waxey salka ku haystaa xogo laga uruuriyay 3 cilmibaaris oo kala duwan oo ay ka qeybgaleen dad gaaraya 19775 oo qof.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close