arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Daawo Tababrka Adag Ee Ay Qaadanayaan Ciidanka Shiinaha oo La Barayo Sida Ay Ugu Adkaysan Karaan Qabowga Daran

Iyadoo uu jawigu aad u qabow yahay Waqooyiga Shiinaha heer kulkuna uu eber ka hooseeyo 30-digrii, ayaa ciidanka Shiinuhu ay muujinayaan awoodooda iyagoo tababar adag ku sameynaya qabowgaa daran ee qof caadi ah aanuu u adkeysan karin.

Sida ay muujinayaan sawirrada iyo muuqaallada laga soo duubay ciidanka ayaa waxey ku dagaallamayaan gacmahooda iyagoo feero qaawan, illaa midabka jirkoodu uu ka casaado, halka koox kale ay laabtooda ku burbureyso barafka, iyadoo ay askartu isku dayayaan iney adkeysi xooggan ay muujiyaan, waa sida lagu sheegay warbixin ay faafisay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

20 sarkaal oo ciidanka booliska ka tirsan ayaa tabar adag ku qaadanaya barafka magaalada Mohi ee gobolka Helong-jiyan, waa sida uu sheegay hoggaamiyaha kooxda, tababarkani waxa uu ka taageerayaa iney xamilaan oo ay u dulqaataan duruufta deegaanka halka ay ka howlgeli doonaan, waxa uu sii kordhinayaa awoodooda, adkaysigooda iyo dulqaadkooda.

Gobolka Hilang-Jiyan waxaa loo aqoonsan yahay gobolka ugu qabow dalka Shiinaha, gobolka xagaagiisu waxa uu socdaa illaa 8 bilood, heer kulkiisu waxa uu gaaraa meesha ugu hoosaysa 3 illaa 52 darajo oo eber ka hoosaysa dhammaadka April.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close