arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Maxey Tahay Qisada Ardayga Yar ee Waraabe Dadowga Loogu Yeero Gudaha India? (Muuqaal)

Arday India ka soo jeeda ayaa waxa uu la dhibaatoonayaa cudur Hypertrichosis oo timihu si xad dhaaf ah jirkiisa uga soo baxayaan oo wejigiisa oo dhan ay daboolayaan.

Ardayga Lalit Bankatlal oo 13 jir ah ayaa waxa uu ku dhashay magaalada Ratilam ee gobolka Madiya-baraadiish ee dhex bartamaha dalka India, illaa yaraantiisii waxa uu la dhibaatoonayay timiha oo si xad dhaaf ah jirkiisa uga soo baxa, waa sida lagu sheegay warbixin ay faafisay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Waa arday waxbarashada ku wanaagsan iskuulkiisana caan ka ah, muuqaalkiisa wax dhibaato ah kama qabo, laakiin dadka aan garaneyn xilliyada qaar dhagaxaan ayey ku tuuraan iyagoo u haysta waraabe dadow, waxeyna xilliyada qaar inuu daanyeer yahay, waa sida uu wiilkani yari sheegay.

Iyadoo xaaladdiisa caafimaad ay sidaa tahay ayaa hadana waxa uu ku riyoonayaa mustaqbalka inuu noqdo askari boolis ah, dambiilayaasha iyo tuugadana uu ku guro xabsiga.

Lalit waxa uu yiraahdaa: “Waxaan dhashay anigoo wejiga timo badan ku leh, waxaan ahay qof dadka kale ka duwan, xilliyada qaar waxaan jaclaystaa iney ii suurtageli lahayd inaad ardayda kale la sinnaado, xaaladda aan ku suganahay waan la qabsaday, caado ahaanna naftaydu wax welwel ah ma dareemayso.”

Cudurka Hypertrichosis, ayaa marka uu sii daran yahay timo badan oo aan dabiici ahayn jirka ka soo saara, timahaas oo dhirirkeedu uu gaarayo 5 Cm, waxey daboolaan timahaasi wejiga shaqsiga, dhudhumadiisa iyo qeybaha kale oo jirkiisa.

Hooyada dhashay wiilkan yar ayaa waxey tiri: “Markii uu dhashay saacad kadib, waxaan aad uga yaabay timaha badan ee jirkiisa oo dhan daboolay, isla markiiba waxaan ugu yeernay dhakhtar caruur si uu u baaro, timihii dhaadheeraa ayuu ka jaray, waxaanuu noo sheegay inaanuu wax daawo ah lahayn.”

hooyadii waxey hadalkeeda ku dartay: “Wiilkeygu ilmaha kale wuu ka duwan yahay, aniga agtaydana qof gaar ah ayuu ka yahay, maxaa yeelay waxa uu dhashay markii Alle bari badan aan sameynnay kadib.”

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close