arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Tufaaxa Jinka oo Dood Badan Ka Dhaliyay Gudaha Dalka Mareykanka (Muuqaal)

Dadka isticmaala Baraha bulshada ayaa faafiyay sawirrada dhacdo layaab badan oo ka dhacayda gobolka Mashigan ee gudaha dalka Mareykanka, waxaa lagu arkay tufaax dhexdiisa la iska arkayo guntiisuna maran oo geed suran.

Qof magaciisa la yiraahdo Andrew Sietsema ayaa faafiyay sawirro dhanka Facebook-giisa uu ku faafiyay, tufaaxa jinka, kadib markii isbedello yaab badan ay ka dhaceen cimilada gobolka Mashigan.

Dadka baraha-bulshada isticmaala ayaa waxey arkeen tufaax faaruqa ah oo suran geed, gudihiisana aan waxba laga helayn, dad badani wey ku wareereen sirta ka dambeysa in tifaaxan si lama filaan ah loo arko.

Qof ka falceliyay dhacdadan ayaa waxa uu soo qoray waa arrin layaab badan, qof kale ayaa soo yiri waan idiinka mahadcelinayaa sawirradan waa arrin aan macquul ahayn.

Laakiin dad badan ayaa isweydiiyay sababta ay arrintani ku dhacday, Andrew waxa uu ku sababeeyay in heerkulku uu meel sare gaaray oo jawigu uu aad u kululaaday, kadibna uu soo da’ay roob baraf wata, kaas oo tufaaxii wada dabooley oo u bedelay sidii dhalo dhexdiisa la iska arki karo oo kale, waxaa dhalaalalay tufaaxii, waxaana soo haray qolof farab ah oo dhalo oo kale wixii guntiisa ku jira laga dhex arki karo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close