UncategorizedWararkaWaxbarashada

6 Calaamadood oo Lagu Garto Kansarka Ragga Ku Dhaca

Khubaro ka tirsan ururka cilmi-baarista Ingiriiska ee arrimaha kansarka ayaa soo saaray lix calaamadood oo lagu garan karo cudurka halista badan ee kansarka bilowga hore ee uu kugu cusub yahay.

Dhakhaatiirtan ayaa aaminsan dhiig uu soo saaraco kaadida ama saxarada ay tilmaan u noqon karto kansarka kaadi haysta iyo caloosha, xaaladdaa marka aad isku aragto waxey ku talinayaan inaadan dib u dhigan inaad dhakhtar aaddo, Waa sida ay faafisay jariidada The Express

Sidoo kale, marka aad isku aragto in muuqaalka naasahaagu ay isbedeleen, dheecaanno ay keenaan ama haragga laabtu uu dhalaal aadan ku arki jirin keeno, waa calaamado ku tusin karta inuu ku hayo kansarka naasaha, noocan kansarka ah ragga kuma badan, laakiin lama dhihi karo gebi ahaanba kuma dhaco.

Khubaradu waxaa kale oo ay tilmaameen marka aad isku aragto ririxanayo joogta ah oo aan kala go’ lahayn ama in candhuuftaada uu dhiig soo raaco, waa calaamadaha ugu khatarta badan ee lagu garto cudurka kansarka.

Ku darso, khubaradani waxey ku dardaarmayaan in miisaanka oo si lama filaan ah uu hoos ugu dhaco ama mushkilado dhanka kaandi haysta ay kaa qabsadaan. xiniyaha oo muuqaalkiisu is bedelo ay ka mid yihiin calamaadaha kansarka lagu garto.

Katrina Turrill oo maqaalkan qortay ayaa sheegtay in marar badan la isku khaldo caalamadaha kansarka iyo cudurro kale oo ka khatar hooseeya, arrimahaasina ay marar badan keento in cudurka la iska indho tiro illaa uu qofka ka dishoodo oo uu ka dhul dhigo.

Si kale haddii aan u dhigto dhakhaatiirtu waxey aaminsan yihiin inaanuu jirin nidaam cunno goonni ah oo aan looga hortagin kansarka,  laakiin ay jiraan cunnooyinka qaar oo khatarta cudurka yareeya, cuntada Sauerkraut ee dalka Ponald caanka ka ah ayey ku sheegeen iney yareyso khatarta cudurka oo noqday dilaaga ugu khatarta badan casrigan aan nool nahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close