WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub oo Lagu Ogaaday Awoodda Ay Shinnidu u Leedahay Iney Xisaab Ka Shaqeyso! (Muuqaal)

Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in shinnida la bari karo xisaabta ka jar iyo ku dar, daahroggani khubarada waxa uu ka garab siinayaa iney fahmaan si mug leh maskaxda iyo awoodda caqliga ee cayayaanka.

Tijaabadan waxyaabihii laga ogaaday waxey saameyn ku yaalaneysaa horumarka mustaqbalka ee garaadka smarts ka ah ee computerrada, gaar ahaan in nidaamka waxbaristooda oo dhib badan laga maro la dedejin karo.

Culumadani waxey shinnida wax ku bareen midabbada iyagoo midabka buluugga ah loo baray iney u fahamto isku dar, halka midabka midabka jaallaha loo baray iney ka jar laga doonayo.

Haddii midabku uu buluug yahay waxey shinnidu xulaneysaa sawir kale oo dheeraad ah oo dhiniciisa ay isku leexineyso waa marka laga rabo ku dar.

Haddii midabka ay aragtay ee indhaheedu ay qabteen uu noqdo midabka jaallaha ah, waxey shinnudu dooraneysa muuqaal kii hore ka xaglo yar.

Marka ay shinnidu si wanaagsan u dhaqanto oo ay xisaabta saxdo waa la abaalmarinayay oo waxaa la siinayay biyo filtareysan, haddii ay khaladdan waxaa la siinayay maadada Keyniin oo ah maado sun ah oo aaney ku dhimaneyn laakiin ay ku xanuusaneyso.

Marka aan la abaalmarin ama aan la ciqaabin, jawaabta shinnudu waxey gaareysaa illaa 63% ilaa 72% oo waqtiga ay haysato ay uga jawaabaysay.

Waxa la doonayo iney dadku ka qaataan cilmibaaristan ayaa ah  in cayayaanku aaney doqomo ahayn oo ay caqli badan yihiin isla markaana ay sameyn karaan arrimo u baahan garaad buuxa oo dhammeystiran.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close