WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub oo Ka Digaysa 12 Saacadood ee Dilaaga Ah ee Ugu Khatarta Badan Nolosha Bukaan Kasta (Muuqaal)

Koox dhakhaatiir ah oo ka tirsan bahda caafimaadka ayaa waxey ka digeen khatar 12 saacadood ee ugu daran nolosha aadane kasta, taaas oo noloshooda khatar gelin karta.

Jariidada The Guardian ayaa faafisay natiijada daraasad caafimaad oo bukaanka looga digayo in la qalo xilliga habeenkii, maadaama ay caafimaadkooda khatar geli karto, waxey horseedi kartaa geeridooda iyo iney caafimaadkoodu uu xumaado.

Daraasaddan ayaa waxaa lagu ogaaday in 44% dadkii daraasaddan lagu sameeyay ee qalliinka lagu sameeyay goor habeen ah inta u dhaxeysa 8 habeenni illaa 8 subaxnimo ay ahaayeen kuwo u nuglaa in xaaladooda caafimaad ay xumaato, dhiigu ku karo, ama wadnahoodu uu si wanaagsan u shaqeyn kari waayo.

Sidaas oo kale, daraasaddu waxaa laga ogaaday in dhibaatooyinkaasi ay yaraaneyanaa marka qalliinka la fuliyo xilli maalin ah, gaar ahaan saacadaha u dhaxeysa 8 subaxnimo illaa 8 habeennimo.

Daraasaddan waxey ku cilleysay khatarta ay bukaanku waajahayaan ay sabab u tahay dhakhaatiirta oo xilligaa daallan ama aan u caabooneyn sidii loo baahnaa.

William Harup Griffiths oo ah madaxa qeybta suuxinta ee isbitaalka Royal College ayaa sheegay in natiijada daraasaddan ay welwel gelinayso isla markaana ay muhiimad gaar ah u leedahay dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ka howlgala caafimaadka.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa, waxaa dhici karta in sababta khatarta sii kordhineysaa ay tahay in qeyb xooggan ay ka tahay daalka dhakhaatiirta iyo shaqaalaha kale ee xiriirka la leh caafimaadka.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close