arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Qisada Wiil Dhalinyaro Ah oo Nadaafadda Ka Shaqeyn Jiray oo Ku Guuleystay 13 milayn oo Dolar Kuna Lumiyay 10-sano gudahood (Muuqaal)

Wixii sahal kugu soo gala sahal ayey kaaga  baxaan, maahmaahdaasi xikmadda ay ku fadhido waxaa ku si foobay Michael Carroll oo ahaa wiil ahaa faqiir, waxa uu noqday taajir laakiin noloshii faqriga ayuu mar labaad dib ugu soo laabtay, maadama uu ilaashan kari waayay hantidii uu ku helay dhib yarida ee dadaalka badan aanuu uga bixin.

Faahfaahinta sheekadani waxey dib ugu laabaneysaa 2002, markii wiilka uu ku guuleystay lacag bakhtiyaa naasiib ah isagoo xilligaa ka shaqeyn jiray is-basiininimo iyo nadaafadda, waxaa soo gashay 10 milayn oo poun, waa lacag u dhiganta oo ku dhowdho 13 milayn oo dolar, xilligaa noloshiisu wey is bedeshay, intii uu lacagtiisa ilaashan lahaa oo uu maalgeshi u murodhala uu ku sameysan lahaa, ayaa waxa uu ka doortay inuu ku noolaado nolol barwaaqo iyo tumasho, isagoo aan ku fakarin in lacagtani ay maalin dhammaan doonto, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail.

Muddo 10-sano ah ayaa lacagtii oo dhan uu ku dhammeeyay, waxa uu ku dhammeeyay xaflado alcahol iyo dheeman uu hadiyado ku bixiyay, gawaadhi qaali ah ayuu iibsaday, gurigiisa xafladuhu kama aaney dhammaaneyn, sanadkii 2012 lacagtii oo dhan wey ka baaba’day.

Waxa uu dib ugu laabtay shaqadiisii, markan waxa uu iibiyaa dhuxusha, waxa uu ku shaqeeyaa mushaar aad u hooseeya, waxa uu taagan yahay oo uu shaqeeyaa muddo 12-saacadood ah , waxa uu leeyahay guri yar oo uu daggan yahay, kadib markii uu muddo 10-sano ah uu ku noolaa nolol barwaaqo oo waxwalba ay agtiisa yaallaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close