WararkaWaxbarashada

9 Lamafilaan oo Ay La Kulmeen Bill Gates iyo Xaaskiisa Melinda Sanadkii Tagay ee 2018 (Muuqaal)

 

Qoraal ay uu soo bandhigay  Bill Gets asaga iyo xaaskiisa Melinda  oo ah mid sanadle ah ayaa kaga hadlay 9 arimood oo dhacay  sanadkii 2018, warbixintan ayaa waxaa hordhac u ahaa su’aal  ah sanadkii tegay sidee u aragtaa ?

Waxa uu ku jawaabay sanadkaas waxa dhacay  dhacdooyin badan oo musiiba ah sidoo kale waxaa kordhay tirada haweenka  qabanaya xilalka waaweyn ee aduunka.

Sidaa darteed,  waxa uu warbixintiisa u sheegay iney jireen waxyaabo lagu  farxo iyo waxyaabo laga naxo ,arimahaasi waxa ay ku kaliftay  labada lamaane in ay dib ugu fekeraan nolosha macneheeda

Arimaha uu sheegay waxa ugu horeeya

⦁    Afrika  iyo dhalinyarada

Waxa Bill Gates uu sheegay  in ay sii kordheyso tirade da’da dhexdhexaadka  ah taas oo aduunka oo dhan ku sii kordheysa, waxa uuna  ku tilmaamay in da’daasi ay tahay hanti , waxa uuna sheegay in  qaarada afrika ay heysato dhalinyaro aad u badan oo da’doodu ka yar tahay  18 jirka

⦁    Bil walba waan dhisaynaa  magaalada La mid ah New York ilaa 2060

Waxa uu ka digay in cimillada isbedelayso  sababtuna ay tahay korantada oo la adeegsado ,iyo warshadaha  ,waxa uuna sheegay in sameynta qalabka dhismaha sida biraha, shamiitada  waxyaabahaas oo dhan ay u baahanyihiin awood dheeraad ah waxeyna soo saaraan oo ay hawada ku sii daayaan kaarboon fara badan .

Hadii  is-weydiinno  adduunka aan maanta inta ka dhisan  hadii la dhiso laba jibbaarkeeda ilaa 2060 macneheedu waxa weeye in  bishiiba aan dhisayno magaala le’eg magaalad New Yurk

⦁    Qoraallada oo ay  ku jirto eexasho.

Waxa Bill uu welwel ka muujiyey  foomamka lala’yahay ee laga qaaday  haweenka gaar ahaan haweenka ku nool dalaalka sadexaad, Sidoo kale xaaskiisa waxa ay tilmaamtay  in ay ka walwalsan tahay qaabka warbixinnada iyo xogaha looga uruuriyo dumarka ay tahay mid laga eexdo oo waxyaabo badan oo aan jirin laga sheego.

⦁    Aasaasaha  Microsoft waxa uu wax ka baran karaa  hablaha yar yare e qaangaarka ah sida carada loo xakameeyo.

Bill waxa uu qoraalkiisa ku sheegay  tijaabo uu sameeyey mar uu ka qeybgalay  kulan ay isugu yimaadeen gabadho qaangaar ah oo ku jiray  xabsi uu doonayay in uu ogaadi sida ay u dhaqmayaan marka ay xanaaqaan, waxa uu sheegay in natiijada u soo baxday ay dib u soo xasuusisay markii uu sida adag ula dhaqmi jiray shaqaalaha shirkadiisa   oo qaarkood ay qeyb ka ahaayeen horumarinta shirkada marka waxa uu sheegay in arrintan uu wax badan ka bartay qofka in uu xanaaqiisa xakameeyo waxey tahay arrin wanaagsan.

⦁    Sida ugu  wanaagsan ee dalka Mareykanka lagu hortabinta koowaad lagu siin karo waa in la dadka dunida kale la taageero oo gacanta loo fidiyo.

Melinda  oo ah xaaska  Bill Gates waxa ay warbixinta  ku sheegay in aad dalkaaga ka dhigto dalka ugu horreeya  macnaheedu maaha in aad dhabarkaaga xejiso aduunka intiisa kale, haddii aad dooneyso  in dalkaagu noqodo dalka ugu horeeya waa in aad aduunka la xiriirtaa oo gacantaada u fidisaa.

⦁    Musqulaha oo  muddo qarniyo ah isbedelin

Bill waxa warbxintiisa ku tilmaamay  mar uu booqasho ku tegay dalka shiinaha  oo uu ka qeybgalay carwo lagu soo bandhigayey  musqulaha iyo qaabka ay mustaqbalka u shaqeyn doonaan  waxa uu yiri aad ayaan ula dhacay horumarkaas ,

Waxa uu yiri in la sameeyo  musqulo hormarsan isla markaana  u horseedaya in laga maarmo boosaneerka  waxa ay u horseedeysaa in malaayiin dad ah ay  badbaadaan.

Waxa uuna sheegay in dhibaatada keliya ee jirta ay tahay  qiimaha ku baxaya mashruucaas sidaa darteed; waxa uu yiri  shirkada Getis wey maalgashan doontaa mashruucaas asaga ah. masqushan ayaa saxarada u bedelaysa hawo oo sidii jeermiska oo kale u dilaysa, wax haraadi ahna aan guntiisa ku reebayn.

⦁    Buugaagta manhajka iskuullaadku waxey noqdeen wax laga horumaray.

Waxa uu Bill  u arkaa sababta  keentay in buugaagta dugsiyada laga maarmo  ay tahay nidaamka uu aasaasay ee uu lacagta badan ku bixiyay.

Waxa uuna  yiri waxaan  u arkaa in kutubka  dugsiyada laga adeegsado inay dhamaan doonaan  sababtuna ay tahay computerka oo hormaray , ardeygu buugga iyo macallinka lama noolaan karo ,,laakiiin computerku   waa kan saxaya ardeyga isla markaana toosinaya macalinka , waxa Bill ku faraxsan yahya in barnaamijyo badan ay maanta  ka faa’iideysan karaan ardaydu gaar ahaan dugsiyada ku yaal dalka Mareykanka.

⦁    Taleefanka gacanta waa hub ay wataan haweenka saboolka ah

Bill Gates iyo xaaskiisa milinda waxey u arkaan  taleefanada gacanta in ay wax badan ka tareen arrimaha haweenka  saboolka ah isla markaana taleefanku u horseeday nolol wanaagsan ,in kasta  uu jiro farqi weyn oo u dhaxeeya raga iyo haweenka adeegsiga taleefanka gaar ahaan  dadka ku nool dalalka faqiirka ah.

Si kastaba, Bill iyo Milinda sanadkan hadal jeedintooda waxey waqti dheer ka siiyeen oo ay uga hadleen Paul Allen oo ahaa saaxiibkii ay Bill wada aasaaseen Microsoft oo geeriyooday October 2018, iyadoo ay da’diisu sii caga cageynayso 68 sano.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close