WararkaWaxbarashada

Dalladda Waxrashada Ahliga Ah ee FPENS oo Waxbarasho Dibadda Ah U Dirtay 200 oo Arday oo iskuullaadkeeda Ka Qalin Jabisay

Waxaa magaalada muqdisho lagu qabtay xaflad lagu sagootinayey qaar kamid ah ardaydii dhameysatay dugsiga sare sanad dugsiyeedkii 2017-2018, ardaydan ayaa deeq waxbarasho ka helay jaamacad ku taalla gudaha Turkiga oo qaadatay.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qabanqaabisay dalladda waxbarashada FPENS waxaana  ka soo qeybgalay arday, waalidiin, macallimiin, madax ka socootay wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo maamulka sare dalladda waxbarashada ee FPENS, xafladdan ayaa ka dhacday gudaha Muqdisho.

Cumar Shiikh Nuur oo ah agaasimaha daladda waxbarashada FPENS ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka loo soo xulay ardayda iyo ahmiyadda ay u leedahay ka daladda ahaan: “Bishii dhaweyd waxaa imtixaan u fariistay oo ay qaadeysay Jaamacadda Karabuk ee dalka Turkiga, Jamaacaddaan  mahaan mid khaas ah, waa Jaamacd guud oo ardayda waddanka wax ku bartaan oo dowlaadduna leedahay ,waxaa Imtixaanka u fariistay magaalada Muqdisho 245 magaalada Bosaaso 200 oo arday magaalada Hargeysana 233 arday guud ahaan ardayda gashay waa 570 iyo dhowr arday ayaa Imtixaankaas u fariistay.”

Agaasimaha oo hadalkiisa siiwato waxa uu sheegay in imtixaanka uu ahaa mid Jaamacaddu soo dejisay xagana lagu soo daabacay ardayduna loo keenay Imtixaanka ”Imtixaanka waxaa soo daabacday Jaamacadda waxa ay yimaadeen iyaga oo wato, annaga waxan aheyn inaan fududeynnay oo kaliya howsha hadaan nahay FPENS, sidaas ayuu ku yimid imtixaankii seddexda xarumood lagu galay markii Imtixaankii qaadeen waxa ay ku celiyeen wadankooda ayagaana soo saxay imtixaanka natiijadii ayey soo direen, 200 ee ugu horeysy uguna dhibca fiicneyd ayey nagu dhaheen ayaga ayaan waxbarasho siineynaa.”

Dhanka kale, Dahabo Guure Cosoble oo ah ka mid ah hooyooyinka caruurtooda safarka dibadda waxbarashada ay ugu baxayaan dalka Turkiga Ayaa ardayda  kula dardaarantay iney ku dadaalaan waxbashada sidii markii dalka ay dib ugu soo laabtaan ay u anfacaan ”Dalkeena waad arkeysaan sida uu u burbursan yahay waddooyin la maro iyo weji fiicanba uusan laheyn, waxaa loo bahan yahay inaad noqotaan dadkii wax ka bedeli lahaa inta ay ku soo laabtaan aqoontana aad kordhisaan qofkii dadaalaana wuu  gaarayaa”

Gudoomiyaha guud ee daladda waxbarashada ee FPENS Cabduqaadir Xasan Axmed ayaa sheegay iney sii wadayaan dadaalkooda ku aaddan in ardayda nuucaani oo kale ah loo helo deeqo waxbarasho oo dalka dibadiisaa looga baahan yahay iney dadaal dheeraad ah la yimaaddaan kuna dadaalaan ahmiyad siinta waxbarashada, “Waxa aad noo tihiin muraayad, waxaan rabnaa berito inaan iska eegno sida aad u dadaashaan iyo waxaad dalka ka qabataan ayaan anagu doonaynaa, midaas ayaana annaga guul noo ah,  ardayda idin ka dambeyso waa inaad u noqotaan kuwo ay ku daydaan.”

Maxada waaxda Tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada  Hidaha iyo Tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay daneynayaan qorshayaasha nuucaani oo kale ah wasaaradduna ay diyaarianyso nidaamyo ay ugu talagashay in lagu maareeyo deeqaha waxbarasho ee ka imaanaya dalka dibadiida ”Waxaa jira in iskuulladii 24 dowladdu la wareegtay haddana lacag la’aan lagu dhigto, wasaaradduna macallimiinta mushaarkooda bixiso, imtixaannadii sanad dugsiyeed ayey wasaaddu hirgalisay sanad walibane ardaydii ay u diyaar garoobayaan, 10 arday ee ugu saramarto la siiyo deeqo waxbarasho oo dibadda ah dalka Shiinaha oo ardaydu ay  jecelyihiin iney wax ku bartaan, 10kii sanadkaa ugu horeysayna sidaas ayaa loo karaameeyay.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close