arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dhimashadii Ugu Foosha Xumeyd… Doofaarro Ayaa Hilibkeeda Kala Goostay Iyadoo Nool (Muuqaal)

Lama oran karo waxaa jira geeri mid kale ka foolxun, laakiin waxaa la aaminsan yahay in wadada ay u dhimatay haweenayay Ruushka ah oo ka tirsan dadka jamahuuriyadda Udmurtia ee gobolka Ural ee gudaha dalka Ruushka, ayaa u dhimatay hab argagax badan oo noqon karto geeridii ugu argagaxa badneyd ee uu qof ku dhinto.

Haweenaydan 56 jirka ah ayaa waxey ku dhacday xero ay ku jiraan doofaarro gaajeysan, markaa si xun ayey u dhimatay, iyadoo nool ayay hilibkeeda kala goosteen, waa sida ay qortay jariidada Daily Mail.

Haweenaydan oo aan magaceeda la sheegin ayaa waxey xerada u aadday si ay u quudiso doofaarradeeda, wey miyir daboolantay oo wey suuxda, xilligaas waxaa dhankeeda u soo jabay doofaarradii gaajeysnaa oo iyadii cunto ka dhigtay, waa sida ay sheegeen booliska Ruushka.

Warbixinnada qaar ayaa waxey sheegayaan in doofaarradu ay si naxiir darro ah u soo weerareen waxey ka cuneen wejiga dhagaha iyo garbaha, arrintaas oo keentay iney u dhimato dhiig bax xooggan iyo dhaawicii soo gaaray.

Xilligaas, ninkeeda oo hurday ayaa xilligaa hurdadii ka soo kacay, guriga ayuu ka waayay xaaskiisa, waa uu raadiyay, lama filaanku waxa uu noqday markii uu jirkeeda intii ka soo hartay uu ku arkay xerada doofaarrada lagu xanaaneeyo ee gudaha guriga.

Guddiga baaritaanka gobolka afheyeen u hadlay ayaa sheegay iney codsadeen ra’yiga dhakhaatiirta xaaladdan waxa sabab u noqon kara, duruufaha ku xeeran iyo sababihii dhacdadan keenay.

Dambi baarayaashu waxey tilmaameen inaaney weli la kulmin dhacdo tan oo kale ah oo sidan u argagax badan weligood aaney horey u soo marin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close