arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dagaal Geeri iyo Nolol Lagu Baratamay.. Orad Yahan Ka Adkaaday Libaax Weerar Kadis Ah Ku Soo Qaaday (Muuqaal)

Sheeko layaab badan oo ay dhif iyo naadir tahay in dunidan lagu arko, nin ayaa dagaal la galay libaaxa buuraha oo weerar ku kadiyay xilli uu dalxiisayay meel duur ah oo ku taalla gobolka Colorado ee gudaha dalka Mareykanka.

Sida qisadan ay ku faahfaahisay shabakadda Fox News Jimcadii, Travis Kauffman, ayaa xilli uu rucleynayay kaligii goob keymo buuraaley ah oo ku taalla gobolka Larmer ee Colorado Febraury 4, 2019, ayaa waxaa si kadib ah ku soo weeraray libaax.

Arrimuhu sidii caadada ahayd ayey ku socdeen, xilligii barqada, Kaufman waxa uu maqlay cod ka soo yeeraya geedaha gadaashood, waxa uu u qaatay iney tahay sagaaro ama bakeyle ordayay, laakiin waxaa lama filaan ku noqotay inuu arko libaaxa buuraah oo weerar ku kadiyay, libaaxani caado ahaan waxa uu ku nool yahay qeybta galbeed ee dhulka.

Kauffman oo 31 sano jir ah ayaa waxa uu u degdegay inuu gacmihiisa kor u qaado si xayawaanku uu iskaga difaaco, musaaraco ayaana halkaa ka bilaabatay.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in libaaxu uu miciyaha suray dhudhunkiisa, halka Kaufman uu isku dayayay inuu wejigiisa ka ilaashado cidiyaha xaywaankan dilaaga ah iyo ilkihiisa awoodda badan ee uu dhex gelin karo lafaha madaxiisa.

Ninkan saddon jirka ah waxaa u suurtagashay inuu is ka fujiyo libaaxa, waxa uu ku tuuray oo uu ku baqdin geliyay ood gacantiisa soo gashay, intaa wuu ku istaagi waayay, Waxa uu ku tuuray dhagax weyn oo dheellitirkii ka lumiyay, waxa uu isku duubay qoortiisa oo uu ka jabiyay.

Intaa ka dib, Kaufman waxaa loo qaaday isbitaalka waxaa laga tolay 18 qodob oo bowdada bidix ah, 6 kale oo sankiisa ah iyo saddex qodob oo dhudhunkiisa ah, labada gacmood iyo laabtana dhaawiciisu wuu ku yaraa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close