WararkaWaxbarashada

Macallimadda Ugu Soo Jiidashada Badan Dunida (Muuqaal)

Iskuul ku yaalla Taiwan ayaa waxa uu shacbiyad ballaaran ku helay quruxda macallimad iskuulka wax ka dhigta, kadib markii ardayda iskuulka qaarkood ay baraha bulshda ku faafiyeen sawirrada macallimadda oo ay ku tilmaameen iney tahay macallimada ugu soo jiidashada badan adduunka.

Jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, ayaa sheegtay in ardayda mac’hadka cilmiga iyo teknoloojiyada ee magaalada Zhongli(Tushungoli) ay sawirro ka qaadeen macallimaddan reer Taiwan  ee 28 jirka ah oo la yiraahdo Cheng Jhia-wen xilli ay muxaadaro ka jeedineysa xuquuqda Alifaaga iyo faafinta buugaagta.

Ardayda ayaa wadaagay sawirrada macallimaddan quruxda badan, falcelinno iyo sida ay ula dhacsan yihiin quruxdeedadan muujiyay, dhacdadan ayaa sidoo kale aad u soo jiitay dadka adeegsada baraha-bushada oo warka macallimad aad u hadal hayay maalmihii la soo dhaafay.

Tirada dadka Wen kala socda Instgram-ka si xoog leh ayey u korortay, maalmo gudahood ayaana ay ku gaareen 91-kun oo qof shacbiyadeeda oo si lama filaan ah xoog ugu korortay awgeed.

Wen waxey waxbarashadeeda ka sii wadataa jaamacadda Dhaqanka Shiinaha, waxeyna si gaar ah u qabataa siminaarro ku aaddan xuquuqda qoraaga. waxeyan xariif ku tahay aaladda musica ee biyaanada oo waqtiga ay firaaqada leedahay ay ku madadaasho.

Wen Quruxdeeda waxey aad u cajabgelisay dadka Baraha-bulshada isticmaala, ardaydii horey iskuulka u soo martay ayaa qaarkood ay sheegeen iney jeclaan lahaayeen iney iskuulka dib ugu laabtaan; waa sida ay qaarkood commentiga ku soo dhiibteen, ardayda macallimadani xisadaheeda kama maqnaadeen, laakiin waxey dhibaato kala kulmaan fahamka maada waxbarasho maadama ay macallimadooda inta badan ku mashquulsan yihiin oo aaney casharka xoogga saareyn.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close