arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waqti Dheer Ayey Noolaadaan Mana Xanuunsadaan.. Maxey Tahay Sirta Cimiri Dhererka Qabiilka Hunza-ha? (Muuqaal)

Waadigan ku yaalla meesha aadka u fog.. Waxaa ku nool qabiilka Hunzaha, Waa 90-kun oo qof oo ku nool waadiga Hunza ee Pakistan.. Waxey haystaan diinta Islaamka iyadoo ku dhaqma madahbaka Ismaaciiliya.

Dumarka ayey waxbarashada hortabinta koowaad siiyaan, dadkuna guud ahaan si xooggan ayey wax u bartaan.

90% dumarku waa mutacallimiin, halka saamiga ragga ee dhanka waxbarashada uu gaarayo 77%.

Laakiin sababta caanbaxooda waxbarashada maaha.

Dadkani waxey noolaadaa illaa 145 sano, dumarkooduna waxey dhalaan marka ay 70-jirka yihiin si caadi ah.

Dadka deegaanka cudur halis ah iyo mid dadka muddo dheer la socda kuma dhaco sida kansarka iyo sonkorowga oo kale.

Waadiga ay ku nool yihiin waxaa loo yaqaanna waadigii dadka waara.

Sirta dadka Hunzaha waa nidaamka cunnadooda, halka ay barootiinka ka helaan waa caanaha noocyadiisa kala duwan.

Waxey aad u isticmaalaan sabiibka oo la qallajiyay oo ka mid ah cuntadooda aasaasiga ah.

Waxey jecel yihiin looska oo saliidana ay isaga ka sameystaan.

Hilibka ma cunaan, milixda iyo cusbada ma isticmaalaan, rootiga iyo xalwaduna cunnadooda kama mid aha.

Maalintii labo waqti ayey cunaan khudaar iyo furuits.

Xilliga Gu’ga 7 maalmood oo xiriir ah ayey ka soomaan sanad kasta, isbuucaa cabitaan iyo biyo kaliya ayey ku afuraan.

Raashin la mid ah ma qaadan kartaa?

Goobjoog Edu

Related Articles

Close