UncategorizedWararkaWaxbarashada

Askariyadda Ugu Da’da Yar Adduunka.. Muuqaal Oohin Iyo La Dagaallanka Shar Wadeenka Aan Ka Marneyn

Booliska magaalada Freeport ee gobolka Taxis ee gudaha dalka Mareykanka, ayaa xaqiijiyay riyada gabar yar oo lix sanno jir ah oo la dhibaatooneysa  kansarka sambabaha, isku day la doonayo in looga khafiifiyo xanuunka haya, rajana loogu abuurayo.

Booliska magaalada Freeport ee gobolka Taxis ayaa faafiyay muuqaalka ay twitterka ku baahiyeen, canug yar oo la yiraahdo Abigail Arias oo dhaarta ciidanka sharciga u ah mareysa, iyadoo labisan dharka booliska ee rasmiga ah, si ay ugu dhabowdo riyadeeda iney noqoto sarkaal ka tirsan ciidanka booliska.

Sheekadan ayaa ka bilaabatay kadib markii ciidanka la soo gaarsiiyay in Ariyas ay jeceshahay iney noqoto sarkaal ka tirsan ciidanka mustaqbalkeedana ay rajeynaysay iney ka mid noqoto, markaa waxey go’aan ku qaateen iney u rumeeyaan riyadeeda ficil aanuu ka marneyn dareen danqasho adaanenimo.

Gabadhaan yar ayaa ku soo celcelineysay iyadoo dhaaraneysa: “Waxaan ballan ku qaadayaa inaan noqdo qof ay dadku jecel yihiin oo booliska garab taagan.. waxaan ballan ku qaaday inaan ka hortago dadka shar wadayaasha ah illaa aan kansarka gebi ahaanba ka taqluuso.”

Askarigii dhaarinayay ayaa waxa la arkayay isagoo illinta isku celinaya, waa marka uu sheegayo in gabadhan yar uu kansar hayo, markii ay dhaarta dhammeystay xaruntii waxaa is qabsaday sawaxan iyo sacab hambalyo ah oo gabadhaa yar lagu dhiirrigelinayo.

Aryas ayaa sheegtay sida ay ugu faraxsan tahay in riyadeedii u rumowday isla markaana ay noqotay sarkaalka ugu da’da yar waddanka, haddiiba aaney ahayn dunida oo dhan, waxey sheegtay iney ka go’an tahay iney la dagaallanto shar wadeenka duullaanka ku ah sambabaheeda, iyadoo markaa tilmaameysay iney adkeysi u yeelan doonto cudurka kansarka si ay ugu dambeyn uga adkaato.

Related Articles

Close