WararkaWaxbarashada

Waayo Aragnimada Aan Ka Koror San Karno Nidaamka Waxbarasho ee Finland oo Ah Kan Ugu Wanaagsan Dunida (Muuqaal)

Ardaygu ma yaqaanno imtixaanka waajibka ah ee dhex bartamaha sanadka iyo kan naqliga ah ee fasalka looga gudbayo,,,, waxaa la siiyaa layliyada ugu yar ee guriga looga soo shaqeeyo marka loo barbardhigo dowladaha kale ee adduunka.

Ardaydu ma kala horreeyaan tartanna ma dhex yaallo oo waa wada saaxiibbo,,,

Hadaba waxbarashada Finland maxey dunida inteeda kale kaga duwan tahay?

Finland waxaa ka jira nidaamka waxbarasho ee ugu wanaagsan adduunka, waa sida uu sheegay World Economic Forum.

Macallinka waa inuu masters dgree wataa marka uu iskuullaadka ka shaqo bilaabayo,,, macallimiinta waxaa laga xushaa 10 qof ee ugu darajo sarreysa ardayda qalin jabineysa, sidaa darteed; waa mihnadda ugu qaalisan ee laga shaqeeyo.

Waxbarashada ma dhigo qof aan u diyaarsaneyn barbaarinta ubadka,,, Caruurta 7 jir ayey waxbarashada ku bilaabaan, fasallada waxbarashada waxaa loogu yaraa magacyada xawaannaadka oo loogu yeero.

Halkii iskuul dadku aad ayey isku yaqaanaan,,, 45 daqiiqo ee xisadda waxaa la nastaa 15 daqiiqo inta aaney ardaydu gelin xiisad kale.

Caruurta waxaa wax lagu baraa Finland hab ciyaarsiin iyo howlqabadyo kala duwan leh.

Iskuullaadka dowaladda waxey bixiyaan waxbarasho bilaash ah oo dhammaan ardaydu ay wada helaan.

Nidaamka waxbarasho ee Finland wuu ka horumarsan yahay dhammaan nidaamyada kale ee dowladaha Yurub ka jira.

Dadka jaamacadaha ka baxa labo qeybood oo ka mid ah waxey bartaan masters dgree, waana heerka ugu badan ee qaaradda Yurub.

Hadaba, waa sidee nidaamka waxbarashada waddankeenna? ma kula tahay inaan qaadan karto nidaamka Finland.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close