WararkaWaxbarashada

8 Xaqiiqo oo Aadan Ka Ogeyn Dowladda Yar ee Ugu Qanisan Yurub (Muuqaal)

Dowlad yar oo ku taalla dhex bartamaha Yurub oo laga yaabo inaadan waxbadan ka garaneyn,, Dog Luxembourg -ka Weyn.

Waa dowladda ugu horreysya ee gaadiidka dadweynaha ka dhigta lacag la’aan, dadka 20 jirka ka yar, gaadiidka dadweynaha lacag la’aan ayey ku raacaan, halka dadka waaweyn sidoo kale looga dhigi doono marka la gaaro 2020 oo adeegaa lacag la’aanta ah ay dadku wada heli doonaan,,, go’aankan waxaa looga golleeyahay in lagu yareeyo jaamka waddooyinka iyo in deegaanka lagu ilaaliyo.

Waa dowladdii ugu horreysay ee ka tirsan midowga Yarub ee nin Gay ah uu madax ka yahay, guurkiisa waxa uu kaga dhawaaqay xaflad dhex bartamaha caasimaadda Luxembourg ka dhacday.

Waxaa daggan 600 oo kun oo qof oo kala bar ay ajaanib yihiin.

177-kun oo qof ayaa waddamo kale uga soo shaqo tagay maalin walba.

Waa dowladda lixaad ee ugu yar Yururb dhulka ay ku fadhido badkiisu waxa uu gaarayaa 2,586(Labo kun iyo shan boqol ) kiiloomitir oo isku weer ah.

Waxey xuduudo la leedahay Jarmalka, Faransiiska, Biljam, wax bad ahna ma laha.

Dekhliqa qofka soo gala sanadkii waa 120-kun oo dolar, waana kan ugu badan adduunka.

Waxaa ka dhisan wasaaradda kaliya ee qaaradda Yurub u gaar ah sinnaanta ragga iyo dumarka.

Waxey ka mid tahay dowlahada aasaasay Midowga Yurub.

Waxey martigelisay xafiisyada dhaqaalaha iyo sharciyada Midowga Yurub,,,

Hal-ku-dhagga uu dalkaasi leeyahay waa: Waxaan dooneynaa sida aan nahay inaaney waxba iska bedelin, taas oo la macno ah waxaa ku qanacsan nahay heerka aan taagannahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close