WararkaWaxbarashada

Dhakhtar Ku Eedaysan Inuu Si Khiyaano ah Aabbe Ugu Noqday 200 oo Caruur ah (Muuqaal)

22 qof oo u dhashay dalka Holland ayaa maxkamadi u amartay in la baaro DNA-dooda isla markaana loo eego xiriirka qaraabo ee kala dhaxeeya dhakhtarka dumarka iyo dhalmada ee Jan Karbaat oo ku takhasusay cudurrada dhalmada.

Dhakhtarkan oo geeriyooday 2017 isagoo 89 jir ah ayaa waxa uu ku eedaysan yahay inuu dhalay 200 oo caruur ah isagoo adeegsadanaya sperm-ka iyo manidiisa gaar ah, intii uu dumarka ku bacramin lahaa sperm-ka ay bixiyeen dad mutadawiciin ah, waa sida ay sheegtay jariidada The Gaurdian.

Sanadkii 2017, ayaa 22 caruur ah oo ku dhashay hab bacramin ah gudaha xarunta caafimaad ee dhakhatarkani uu maamulayay; ayaa maxkamadda dacwad ka furteen si ay u hubiyaan xiriirka qaraabo ee kala dhaxeysay dhakhtar Jan Carpath, laakiin baaritaanka lama sameyn maadama uu dhakhtarku geeriyooday, halka looyaradda u doodayay dhakhtarkani ay aad uga soo horjeesteen fikraddan, iyagoo ku doodayay iney lagma maarmaan tahay in la dhowro xuquuqda iyo ixtiraamka qofka geeriyooday.

Qareenkii kiiskan xukumay ayaa sheegay in maslaxdda dadka doonaya iney ogaadaan cidda ay farac ahaan ka soo jeedaan ee dhashay ay ka sarreyso maslaxadda haweenayda iyo caruurta uu dhakhtarku ka geeriyooday, iyadoo laga cabsi qabo in dhakhtarkani uu dhalay 200 oo caruur ah oo haween uu sperm-kiisa uu ku bacramiyay si khiyaano ah, iyadoo weliba ay jirto in laga hayo war ah inuu hadda ka hor ku faanay.

Waxaa xusid mudan,  in caruurta Holland ee habka bacraminta ah ku dhashay wixii ka horreeyay 2004 aaney xaq u lahayn iney ogaadaan cidda waalidka u ah, laakiin kiisan qareenkii xukumay waxa uu ku tilmaamay inuu yahay mid gaar ah maadama dhakhtarkii ku kacay falkan lagu eedeeyay inuu khiyaano sameeyay oo caruur tiro badan uu si sharci darro ah uu ku dhalay, halka ragga sperm-kooda ku tabarucaya loo ogol yahay iney waalid u noqdaan ugu badnaan 25 caruur ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close