WararkaWaxbarashada

Tallaabooyinka Ugu Sahlan ee Aad Kusoo Afjari Karto Xiriirka Dhalanteedka Ah ee Noloshaada Dhibaatada Ku Ah (Muuqaal)

Inaad go’aan gaarto caado ahaan waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay arrimaha ugu adag nolosha aadane kasta, arrinta ka sii adag ayaase ah in go’aanka la fuliyo, gaar ahaan marka uu la xiriiro in lamaane ay xiriirka isku jaraan, xiriirku si kasta oo uu u xumaado waxaa jira xasuus aan marnaba maskaxdaada ka go’ayn oo aan marnaba la hilmaami karin, waana arrinta qofka murugo gelinaysa, sidaa darteed; qofku waxa uu ka labo labeeyaa inuu go’aannada qaar qaato, laakiin si kasta oo ay tahay marka uu xiriirku dhibaato kuu keenayo waa inaad soo af meerto. hadaba,  si ay xaaladdu kuugu fududaato, waxaa jira talooyin dhowr ah oo ay waajib tahay in la raaco, waa sida uu qoray website-ka wikiHow.

1- Hubso Inaad Dooneyso Inaad soo gabagabeyso xiriirka

Ha ku hanjabin inaad xiriirka soo gabagabeynayso haddii aaney dhab kaa ahayn, laakiin marka aad arrinkaa sheegto waa inaad dhab ahaan u soo af meerto.

2- Go’aanka ha qaadan xilli aad careysan tahay

Marka uu xaalku kugu yara xun yahay oo dhibaato aad ku dhex jirto ha is oran waxaa sabab u ah xiriirka oo carada ha kala dul dhicin lamaanahaaga, inta aadan go’aanka qaadan waqti sii oo saaxiibbadaada kuugu dhow ee aad ku kalsoon tahay kala tasho.

3- Waqtiga iyo goobta si wanaagsan u dooro

Qofna xiriirka ha u jaran isagoo ku dhex jira dhibaato weyn ama shaqo u socda, waa inaad si fiican u doorato waqtiga iyo goorta aad xiriirka jareyso.

4- Xiriirka si shaqsi ah u jar

Weji kaama lihi waxawalba ha ku soo gabagabeyn, ixtiraaamka uu kaa mudan yahay sii, waxaa habboon in si weji ka waji ah aad u wada hadashaan.

5- Qof daciif ah ha noqon

Si qof kale aad u samir siiso waxaa lagaaga baahan yahay go’aan adag, waa in qof shaqsiyad adag leh aad u muuqato marka aad go’aankan gaarto ee aad u sheegayso dhinaca kale.

6- Diyaar u noqo inaad iska difaacdo ficil kasta oo khaldan

Caado ahaan dadku waxey u dhaqmaan si caro leh ama lama filaan ah, marka uu qofku caroodo isku day inaad is dejiso, haddii xaaladdu ay faraha ka baxdo goobta iskaga tag oo ha isku dayin inaad xaaladda dejiso ama aad goobta sii jooto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close