WararkaWaxbarashada

Gaajada.. Biyo Yarida.. Duumada, Kolleeraha oo Gebi Ahaanba Dunida Laga Ciribtiri Karo.. Waa Marka Kharashaadka Dagaallada Muddo Sanad Ah Loo Leexiyo Dhanka Howlaha Bani’aadamnimo (Muuqaal)

Dhibaatooyinka bani’aadamnimada ee Ugu Waaweyn Adduunka oo  lagu xallin karo lacagaha lagu kharash gareeyo Dagaallada.

lacago intee le’eg ayaa ku baxeysa si loo dhammeeyo dhibaatooyinka bani’aadanimo ee dunida ka jirta?

1- Gaajada

Lacagta lagula dagallamayo gaajada Adduunka waxaa lagu qiyaasaa 30-bilyan oo doolar sanadkii.

Mareykanka dagaalkii Ciraaq waxaa kaga baxay 700 oo bilyan oo dolar, laga soo bilaabo 2003, kharashaadka dagaalka Ciraaq oo kaliya ayaa ku filan in lagu xalliyo mushkiladda cunno yarida ee dunida muddo 23-sano ah.

Dad lagu qiyaaso 821-milayn oo qof ayaa waxey la dhibaatoonayaan cunno yari dunida daafaheeda kala duwan.

2- Biyo yari

700-milyan oo qof oo ku nool 43 dowladood ayaa waxaa haysta biyo yari xooggan, kharashaadka biyo nadiif ah loogu heli karo waa 150-bilyan oo dolar sanadkii,

Kharashaadka ciidanka ay ku bixiyeen dunidu waxey gaartay 1,739-bilyan oo dolar sanadkii 2017, waa sida uu sheegay mac’hadka Stockholm International Peace Research Institute.

Kharashaadka ciidanka ay dunidu ku bixiso halkii sano, waxa lagu xallin karaa mushaakillaadka biyo yarida muddo 11 sano ah oo cid walba biyo nadiif ah lagu gaarsiin karo.

3- Cudurka Duumada

Cudurka duumada ama mallaariyada waxa uu ku dhacay 200-milyan oo qof sanadkii 2016, sababtiisa waxaa sanad walba u dhinta 400 oo kun oo qof, waa sida uu sheegtay Ururka caafimaadka Adduunka.

Adduunku waxa uu u baahan yahay 8.5-bilyan oo dolar si looga adkaado malaariyada marka la gaaro 2030.

4- Cudurka Koleeraha

Koleeruhu ama daacuun caloolaha waxa uu ku dhacaa 1.3 milyan oo qof sanadkii ugu yaraan, waa sida ay sheegtay W.H.O, sanadkii waxaa u dhinta 28 kun oo qof, kharaashadka adduunka looga ciribtiri karo waxaa lagu qiyaasaa 1.1 bilayn oo dolar sanadkii.

Sucuudiga dagaalka Yemen waxaa kaga baxa bishii 5 bilayan oo dolar, waa sida uu sheegay mac’hadka Brookings.

Kharashadaadka dagaalka Yemen ee labo bilood oo qura ayaa dunida oo dhan looga ciribtiri karaa malaariyada iyo koleeraha.

Dagaalka Yemen ka socda dartii waxaa Kolleera iyo malaariya ay ugu dhacday 1.5 milayn oo qof, waa sida ay sheegtay W.H.O.

Sanad kaliya oo dagaal la’aan ah, ayaa dunida oo dhan badbaadin kara, laakiin waxaa is weydiin leh ma tahay arrin ay sahlan tahay in la gaaro?

Goobjoog Edu

Related Articles

Close