CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Jimicsi Sahlan oo Kaa Badbaadin Kara Khatarta Wadna Xanuunka iyo Strokes-ga (Muuqaal)

Daraasad Cusub oo dhawaan soo baxday ayaa daahrogtay in taban jeer oo jimicsiga Push-ups-ka ah oo maalintii aad sameyso uu hoos u dhigayo khatarta ah iney kugu dhacaan cudurrada wadnaha iyo strokes-ka khatarta badan ee halista geliya nolosha aadanaha.

Sida ay sheegtay jariidada Daily Mail, cilmi-baarayaashu waxey heleen in ragga dhex dhexaadka ah ay 40 Push-up ay mar kaliya sameyn karaan, dadka jimicsigaa sameeya waxaa lagu arkay hoos u dhac ku yimid khatarta ah inuu ku dhaco cudurrada wadanaha iyo xididada dhiigga saami gaarsiisan 96%, marka lala barbardhigo dadka 10 jeer wax ka yar ka sameeya jimicsigaa maalintii.

Daraasaddana ayaa waxaa ka qeybgalay 1104 qof oo ragga dabdamiska ka shaqeeya ee gobolka Indiana ee gudaha dalka Mareykanka, iyadoo celceliska da’doodu ay ku dhaweyd 40 jir, raggan ayaa waxaa la eegayay awoodda ay u leeyahay jimcsiga jir dhiska ah.

Dadkan ayaa waxaa si gaar ah loola socday caafimaadkooda muddo 10-sano ah, natiijada la gaaray ayaa waxey muujineysaa in jimicsiga Push-upka uu saameyn wanaagsan ku yeesho caafimaadka wadnaha.

Cilmibaarayaashu waxey hoosta ka xarriiqeen in jimicsiga push-upka uu saameyn dadban ku yeesho khatarta cudurrada wadanaha, taas oo ka dhigan markasta oo aad joogtayso jimcsiga Push-upka 10 wax ka badan maalintii waxa uu xadidayaa khatarta cudurrada wadanaha iyo xididada dhiigga si aad u weyn.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close