WararkaWaxbarashada

Wariye Hal-milayan oo Dolar u Qeybisay Daawadayaasheeda (Muuqaal)

Haweenayda weriyaha ah ee hadana jilaaga comedy-ga caanka ah dunida ee loo yaqaanno Ellen DeGeners ayaa daawadayaasheeda ka soo qeybgalay barnaamijka isbuuc laha ah ee gudaha Studio-ga lagu casuumay lama filaan uga dhigtay lacago farabadan, munsaabadda dhalashadeeda awgeed.

Haweenaydan oo 61-sano jir ah ayaa waxey go’aansatay iney hadiyado u qeybiso munaasabadda sanad guurdada 61aad ee dhalashadeeda.

Xalqaddan ayaa waxaa ka soo qeybgalay shaqsiyaad sanadkii hore sameeyay samafallo kala duwan, arrintaas oo keentay in DeGeners ay la dabbaaldagto, laakiin barnaamijkii intaa kuma aanuu dhammaan.

Ellen waxey tiri: “Waxaad idiin soo xushay maanta sabab ii goonni ah, waxaan isku dayay inaan dadka ku dhiirrigeliyo iney sameeyaan hal-milayan oo samafal ah, maanta inaad ila joogtaan oo xalqadda aad igala soo qeybgashaan waxey ka dhigan tahay inaad ka qeyb tihiin si aan yoolkeyga u gaaro.”

Waxey hadalkeeda sii raacisay, “Waxaan rabaa inaan idinkula dabbaaldago guushaas, waxaad leedihiin hal shey oo aad wadaagtaan, waxaad farqi weyn ku sameyseen samafalkiinna.”

Intaa kadib ayey u sheegtay dadkii Studio-ga joogay in kursiga ay ku fadhiyaan hoostiisa ay ka heli doonaan baakad ay ku jirto hadiyaddii ugu weynayd ee ay qof siiso weligeed.

Waxeyna u sheegtay daawadayaasheeda iney qeybsan doonaan hadiyad hal-milyan oo dolar ah oo dhammaantood si siman loogu qeybinayo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close