TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Digniin.. Sababta Ay Waajibka Ugu Tahay Dadka Isticmaala iPhone Iney Dib u Cusbooneysiin Ku Sameeyaan Adeegga WhatsApp

Shirkadda WhatsApp ayaa waxey dib u habeyn ku sameysay habka ilaalinta Apps ka ee dadka isticmaala mobile-llada iPhone, sidaa darteed; dadka isticmaala qalabka Apple waxaa waajib ku ah iney cusbooneysiin ku sameeyaan WhatsApp-ka ay isticmaalaan.

Cusbooneysiinta muhiimka ah ayaa waxaad ka heli kartaa App Store oo aad kala soo degi karto, maadama la ogaaday god-dalool in adeegga lagaa jabsan karo waa marka uu mobile-kaagu furan yahay, isla markaana aad isticmaasho aaladda aqoonsiga wejiga iyo faraha iyadoo waxyaabaha aad appka soo dhigtay si fudud loo akhrisan karo.

Sida ay qortay jariidada Express ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, markii god-daloolkaa la arkay ayaa shirkaddu ay soo saartay qoraal ay ku sheegayso : “Waxaan dareensan nahay mushkiladda jirta sida ugu dhakhsiyaha badanna ayaan u xallin doonnaa, inta arrintaa laga gaarayanaya waxey shirkaddu ku talisay inaan la isticmaalin aqoonsiga wejiga iyo faraha, qufulka caadiga ah ee passwordka in lagu xirto mobile-ka iPhone oo mushkiladdani ay u gaar tahay.”

Nasiib wanaag, shaqaalaha shirkadda waxaa u suurtagashay iney helaan god-daloolka isla markaana ay xalliyaan iyagoo dib u cusbooneysiin ku sameeyay adeegga soona saaran WhatsAppka (2.19.22.) oo aad hadaba kala soo degi karto App Store oo si bilaash ah aad uga helayso.

Danta laga leeyahay cusbooneysiintan waa in loo diido inuu qofina soo gaaro farriimahaaga aad barta ku haysato waa marka mobileka aad uga tagto quful la’aan ama aanuu password kuugu xirneyn.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close