WararkaWaxbarashada

Muuqaal: Qofkii Ugu Horreeyay ee Safar Ku Gaara Hawada Sare Isagoo Saaran Dayax-gacmeed Ganacsi

Diyaarad saaruukh ah oo ay leedahay shirkadda Virgin Galactic, ayaa xidigaha u safarisay dayax-gacmeed waday qof rakaab ah, maallinimadii Sabtida.

Tallaabadan ayaa soo dhaweynaysa yoolka shirkaddan uu iska leeyahay billioneir-ka reer Ingiriis ee  Richard Branson oo ah iney abaabulaan safarro dalxiis oo dadku ay gaarayaan xidigaha, waa sida sheegtay wakaaladda Wararka ee Reuters.

Beth Mosese oo ah ka mid ah mucallimiinta ugu waaweyn ee cirbixiyeennada ee shirkadda ayaa safarkan ku biirtay, iyadoo  la doonayo iney mustaqbalka tababarto dalxiisayaasha ku safraya dayax gacmeedka SpaceShip Two; waxaa kale oo la doonayay iney qiimeyn ku sameyso safarka iyo suurtagalnimadiisa.

Diyaaraddan ayaa ka duushay saldhigga Mojave Air ee California subaxnimadii Sabtida, iyadoo sidday dayax-gacmeedka “SpaceShipTwo” oo ay dad daggan yihiin, kaas oo ay kaga timid sarreeyn gaaraysa 44 kun oo feet, kadib; dayax-gacmeedkaasi isagaa safarkiisa sii watay illaa uu ka gaaro meel dhulka ka sarreysa 290-kun oo feet.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close