WararkaWaxbarashada

Qarax Ku Yimid Kabaha Laacib Kubadda Koleyga Ciyaara oo Khasaare Lixaad Leh U Geystay Saamiga Shirkadda Nike oo Khasaartay 2-bilyan oo Dolar (Muuqaal)

Shirkadda Nike oo ah shirkad caalami ah  isla markaana soo saarta kabaha sportska  ayaa waxey khasaartay Labo bilyan oo doolar, kadib markii mid ka mid ah ciyaartoyda ciyaarta kubadda Koleyga Zion Williamson uu ku dhaawacmay kabo ay shirkaddu soo saartay oo ku qarxay.

Dhacdadan ayaa ka dambeysay  kadib markii laacibkan uu ku labisnaa  kabaha muddo 40-ilbiqsi oo qura ayaa kabihii uu xirnaa ay ku qarxeen, waxaana soo gaaray  dhaawac dhanka jilabka ah oo uu la socon kari waayay, markii dambe ciyaartii waa laga saaray.

Dhacdadaasi markii ay  dhacday ee la baahiyay ay  shirkadu durbadiiba uu hoos u dhacay ku yimid saamigeedii ay  ku laheyd suuqyada waaweyn ee caalamka waxa ayna khasaartay 1% qiimaheeda suuqa,  taas oo ka dhigan in Labo bilyan oo doolar ay lumisay qiimahaeeda suuqa.

Dhacdada laacibkan qabsaday ayaa si aad ah looga hadal hayaa Baraha-bulshada  oo dhaliilo badan loogu soo jeedinayay shirkada Nike.

Mike Krzyzewski oo ah macallinka Williamson, ayaa ku calaacalay in sanadkan laacibka hami weyn laga lahaa iyo inuu kooxda gaarsiiyo heersare, si ay ugu tartamaan NBA sanadkan 2019.

Dhanka kale, Dhacdadan waxaa ka hadlay madaxweynihii hore ee Mareykan oo ku caan ah sida uu u jecel yahay kubadda koleyga Barack Obama oo bartiisa Twitterka soo dhigay: : “Zion Williamson waa laacib aad u wanaagsan oo ka mid ah xidigaha kubadda koleyga kuwooda ugu fiican, waxaan u rajeynayaa inuu si degdeg ah u caafimaado.“

Afhayeenka  shirkadda u hadlay ayaa sheegay iney ka xun yihiin sidii ay wax u dhaceen isla markaana khaladkani aanuu mar dambe soo noqon doonin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close