arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Siwirro…Haweenay Reer Argentine ah oo Heshay Makhluuq Yaab Badan oo Leh Ilkaha Aadanaha

Haweenay Reer Argentina ah ayaa sawirro ku faafisay dhanka Facebook, kuwaas oo ay ka soo qaadday makhluuq yaab badan oo leh ilkaha aadanaha oo kale.

Haweenaydan oo la yiraahdo Maria Julia Candotti ayaa makhluuqan yaabka badan ka heshay dhul beereed gurigeeda ku horyaallay, markaas sawirka makhluuqan waxey ku faafisay Facebook, iyadoo faahfaahin ka bixineysa.

Mariya waxey tiri:  ” Makhluuqan waxa uu soo gaaray laagta biyaha ee weliga laga waraabiyo beerta, ma garaneyno noociisa, waa kii koowaad ee aan aragno ka digtoonaada.”

Waxey hadalkeeda sii raacisay:  “Makhuuqani waxa uu shabbahaa mas badeedka  Electrophorus electricus, kani maaha xawaankii ugu horreeyay ee aan la yaabay ee aan goobta kula kulmo. ”

Jariidada Daily Mail ayaa sheegtay iney dhici karto in xayawaanka ay haweenaydan aragtay uu yahay nooc ka mid ah kalluun Mareykanka laga helo oo biyaha iyo berigaba ku noolaan karna, inta badan ku nool meelaha biyo fariisiga ah.

Macallin culuumta badda wax ka dhiga oo la yiraahdo Pablo Scarabotti oo la hadlay jariidada Daily Mail ayaa sheegay in xaywaankani uu godod yaryar ka sameyso balliyada godkaas oo ay suurtaggal tahay ugu yaraan iney ku noolaadaan muddo labo ilaa saddex sanno ah.”, waxaanuu ku sheegay in kalluunka noocan oo kale uu yahay mid nooc goonni ah oo laga helo Koonfurta Mareykanka.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close