arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

40-sano Ayuu U Xirnaa Dembi Aanuu Gelin.. Lacago Farabadan Ayuuse Magdhow u Helay

Maamulka magaalada Simi Valley (Simi-fali) ee gobolka California ee gudaha dalka Mareykanka ayaa waxey heshiis is-afgarad ah la gaareen nin xabsi ku qaatay 38 sano oo loo haystay dambi aanuu geysan.

Dowladda ayaa sii daysay Craig Coley oo 71-jir ah, kadib markii uu cafis ka helay guddoomiyihii hore Jerry Brown ee Gobolka California oo sheegay in DNA la baaray ay sheegayso inuu dambi la’aan yahay.

Hadaba, Maamulka magaalada Simi Valley, ayaa Sabtidii sheegay iney heshiis is-afgarad ah la gaareen craig oo la siin doono lacago magdhow ah oo gaaraya 21-milyan oo dolar, magaaladu waxey bixineysaa 4.5 milayn oo dolar, halka lacagaha inta soo hartay uu ka heli doono shirkadda caymiska iyo ilo kale oo aaney la magacaabin.

Agaasimaha maamulka magaalada Eric Levitt ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay: “Lacag kasta oo la siiyo magdhow kama noqon karto wixii ku dhacay Craig, in arrintan is-afgarad laga gaaro ayaa u wanaagsan isaga iyo bulshada labadaba.”

Magdhowgan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee qof si khalad ah u xirnaa la siiyo, waa sida ay sheegtay jariidada Los Angeles Times. iyadoo illaa iyo hadda aan la garaneyn cidda fal-dambiyeedkan geysatay.

Craig ayaa loo xiray dambi dil ah oo dhacya sanadkii 1978, xilligaas oo Ronda Wicht iyo wiil ay dhashay oo la oran jiray Donald oo 4 jir ahaa la wada dilay.

Booliska ayaa dhacdadaa u qabtay Craig Coley oo ka mid ahaa dagaal yahannadii ka soo dagaallamay dalka Fiitnaam, xilligaa su’aalo ayaa la weydiiyay, waxaa dusha laga saaray dilka labo nafood, iyadoo ay jirto inaanuu horey wax fal dambiyeed ah aanuu u geysan, halka uu ku soo celcelin jiray inaanuu wax dambi ah lahayn.

Dambi baare gaar ah oo kiiskan loo xilsaaray oo la yiraahdo Mike Bender ayaa ay u suurtagashay in uu ogolaado in gal-dacwadeedkan dib loo furo sanadkii 2015, iyadoo dacwadda si rasmi ah loo bilaabay mar kale sanadkii xigay ee 2016.

Looyaraddii uu doodayay ayaa waxey dureen qodobada loo tiigsaday xukunkiisa, halka caddeynta ugu weyn ee muujinaysa inuu dambi la’aan yahay ay noqotay DNA-da laga helay goobta fal-dambiyeedku ka dhacay ee uu reebay dambiiluhu oo la mid noqon weydya tan eedaysanahan mudada dheer u xirnaan dembi aanuu gelin.

Ugu dambeyn, markii caddeymihii cusbaa goobta la keenaya ayaa garsoorihii dacwaddani uu garwaaqsaday in eedaysanahan Craig Coley uu dambi la’aan uu yahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close