arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dhacdo Naxdin Badan oo Ay Ku Nafwaayeen 7 Caruur ah oo Walaalo Ah.. Geeri Ayey Uga Soo Carareen Suuriya .. Dab Ayaase Ku Dilay Gudaha Kanada (Muuqaal)

Dafaha gobolka Nufa-iskootiya ee dalka Kanada ayaa waxaa looga diyaar garoobayaa aaska Axmed, Maxamed, Gola, hala, Rana iyo Cabdullaahi oo walaalaha ahaa isla markaana ku dhintay dab ka kacay dabaq ay ku noolaayeen.

Sanadkii 2017 ayaa qoyskani oo ka koobanaa Abbe Ibraahim iyo hooyo Kowthar iyo lix caruur ah ay soo gaareen dalka Kanada oo eleen soo dhaweyn diirran oo ay ka heleen dowlad iyo shacabba muddo yar ka dib qoyska waxaa ku soo kordhay ilmo 7aad.

Qoysku wey ku farxeen dhalashadaa cusub iyo noloshii wanaagsaneyd ee ay ka heleen Kanada, waxeyna iska illoobeen muragadii iyo qixii ku qabsaday Suuriya iyo magaalda al-raqa oo ay ka soo jeedeen, shan bilood ka hor ayey u soo guureen guri cusub oo ku yaalla gobolka Nofa-iskootiya.

Waqti yar gudahood ayey kula qabsadeen xaafaddii ay daganaayeen, darisku aad ayey u jeclaadeen ilmaha yar rabshadiisa iyo qosolka aan kala go’a lahayn.

Laakiin, geeri ayaa u soo xaluulatay qoyska oo kala daadisay, dab ayaa ka kacay gurigii cusbaa ee ay soo dageen oo ka takhluusay dhammaan caruurtii oo dhan subaxnimadii Talaadadii hore.

Haddii khasaare canug qura uu ku filan yahay inuu guri dhan farxaddii mugdi u bedesho, maxaad u maleynysaa dhibaatada ay leedahay in 7 caruur ah ay hooyo iyo aabbe ilbiriqsiyo ay ku waayaan.

illaa xilligan hooyada caruurtan dhashay ee Kowthar wey ka dhaadhici la’dahay iney caruurteedii dhinteen, waxey ku hadaaqeysaa magacyadoodii oo ay codsaneyso in loo keeno ubadkeeda. halka aabbihii dhalay caruurtay ee Ibraahiim uu koomo ku jiro oo nolol iyo geeri uu u dhaxeeyo.

David Mildaram oo ah ku xigeenka madaxa waaxda dabdamiska ayaa sheegay iney dhibaato xooggan waajaheen maadama uu dabku dabaqa kore iyo kan hoosaba uu wada qabsaday, arrintaas oo keentay in dabkii la damin kari waayo illaa uu ka wada gaarto guriga caruurtana ay halkaa ku basbeelaan.

Ra’iisul wasaaraha Kanada Justin Trudeau oo lagu yaqaanno inuu aad u taageero qaxootiga Suuriya ayaa tilmaamey sida uu uga xun yahay dhacdadan, waxaana uu yiri; murugada aan dareemayo eray laguma cabbiri karo.

Isla markiiba saaxiibbada qoyskan iyo deriskii waxey bilaabeen iney qoyska u fidiyaan taageero maaliyayeed, waxeyna illaa iyo hadda iska uruuriyeen 279 kun oo dolar.

Imaamka masaajidka al-Baraka ibraahim al-Shandi oo taburaacaddan hoggaaminayay ayaa sheegay iney uga golleeyihiin iney qoysku ku raadsadaan guri cusub iyo iney samarsiin u noqoto.

Si kastaba, dhacdadani maaha tii ugu horreysay ee gobolka Nufa-iskootiya, bishii janaayo 2018 ayaa waxaa ku dhintan dab sidan oo kale 4 caruur ah oo uu ku gubtay gurigooda oo ku yaallay waqooyi bari gobolkaas.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close