WararkaWaxbarashada

Cilmibaaris: Dharka Ay Dumarku Xirtaan ee Soo Jiidashada Badan Maxey Ragga Ku Sameeyaan? (Muuqaal)

Daraasad Cusub oo dalka Ingiriiska laga sameeyay ayaa laga soo saaray natiijo ah in sababta ay dumarku ula kulmaan faduulinta ragga xilliga ay waddooyinka marayaaan ay tahay dharka ay wataan ee soo jiidashada leh sababtii.

Daraasaddan ayaa tilmaantay in dharka soo jiidashada badan ee ay dumarku soo xirtaan ay kaalin weyn ka ciyaarto iney la kulmaan Sexual harassment ama faduulin dhanka ragga uga timaadda, natiijada daraasaddan ayaa lagu dhisay su’aalo weydiin ay rag badan isku raaceen in waxa soo jiitaa uu yahay dharka ay dumarku xiran yihiin, waa sida ay qortay jariidada The Independent ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Daraasaddan ayaa lagu ogaaday in 55% ragga Ingiriiska ku dhaqan ay isku raaceen;  “In mar kasta oo gabadhu ay soo xirato dhar khafiif ah ay kordheyso fursadaha ay kula kulmaan tacadiyada dhanka jinsiga ah.”

Ra’yi uruurintan ayaa waxaa sameysay shirkadda “D-Cyfor” oo wareysi gaar ah la yeelatay dad ka badan 1000 qof oo qaangaar ah oo laga soo kala xulay dhinacyada kala duwan ee bulshadana.

Dadka u taagan shaqada xarunta Dublin ee lagu daabiibo dumarka kufdiga loo geysto, ayaa aaminsan in natiijada daraasaddani ay ku tusineyso in bulshadu ay eedda dusha saarayso qofkii dhibanaha ah intii insha lagu hayn lahaa kan dambiilaha ah ee dhibaateynta dumarka iyo faduulintooda u taagan.

Dr Hannah Bows oo ka tirsan xarunta cilmibaarista ee gaboodfallada iyo  ee jaamacadda Durham ayaa tilmaantay sida ay uga xun tahay natiijada daraasaddan oo ay ku tilmaantay iney tahay mid ay ka murugoodeen, maadama ay ku qotonto fikradda ah in dumarka dharka soo jiidashada leh xidha ee jirkooda ku dhagan ama qeyb ka mid ah jirkooda banneeyaa ay la kulmaan faduulin iyo kufsi ka badan dumarka kale.

Si kastaba, Natiijda daraasaddan cilmiga ah ayaa muujineysa muhiimadda ay  dumarka u leedahay iney xirtaan dharka asturan, si ay uga badbaaddo gaboodfallada xagga jinsiga ah, maadama dharka khafiifka ah ee qaawanidu ka muuqato ay faduulin kala kulmi karaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close