arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Muuqaal Ay Malaayiin Qof Ka Argagaxeen.. Abeeso Liqaysa Shimbir Hawada Ku Jira!

Muuqaal ay duubtay haweeney reer Australian ah ayaa laga daawaday abeeso weyn oo liqaysa shimbir tuke u eg iyadoo hawada ku jirta.

Ilbiriqsiyada muuqaalka ayaa laga duubay saanqaafka sare ee guriga gobolka Kengaz ee New South Welis ee Australia, waa sida ay sheegtay jariidada The Independent ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Cathy Gill oo 60 jir ah ayaa waxey tiri: “Waxaan xasuustaa bilowgii hore inaan u daawaday oo ay ila noqotay sida ay wax u dhacayaan iney telefishin ka socdaan oo kale, ilbiriqsiyo kadib waxaa u suurtagashay Cathy iney muuqaal ka duubto iyadoo aaminsaneyd in baraha bulshada uu sawaxan badan ka dhalin karo.

In kasta oo ay jirtay in muuqaalku uu ahaa mid kooban, ayaa hadana uu noqday mid aad looga daawado baraha-bushada, waxaanuu ka mid noqday muuqaallada loogu daawashada badan dhanka baraha bulshada, muuqaalkan ayaa waxa daawasho in ka badan 3.5 milayn oo qof, waxaa commenty ka bixiyay 36 kun, waxaana share gareeyay 25 kun oo qof.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close