WararkaWaxbarashada

Ubaxyada oo Lagu Shiilo Saliid Waxey Ka Mid Tahay Cunnooyinka Ugu Macaan ee Laga Kariyo Gudaha Thailand (Muuqaal)

Waxaan dhammaanteen ognahay waxwalba oo la shiilo in dhadhankiisu uu wanaagsanaado, laakiin maxaa iska kaa bedeli kara marka aad ogaato in Thailand ubaxyada la shiilo oo ay dadku cunaan?

Ubaxa in la cuno waa caado xilli hore kasoo bilaabay Thailand waqtigii uu raashinku yaraa, maanta ubax shiilan waxaad ka helaysaa hotellada waaweyn iyo waddooyinka si isku mid ah.

Jasiiradaha aadka looga isticmaalo oo aad ka helayo dhadhanka macaan ee qajacda leh waa Koh Kret waxey ku taallaa duleedka Bangkok.

Boonrod waxey iibisaa ubaxa shiilan, waxey iibineysay muddo 10 sano ah, ubaxyada ay iibiso waxey ka soo gurataa beerteeda gaarka ah  iyo beerta dariskeeda, subaxeedu waxa uu bilowdaa xilli hore, waxey soo kacaa 4:00 subaxnimo, kadib suuqa ayay aaddaa, waxey tiraahdaa: “Si aad u ubax u shiisho waxaad u baahan tahay budo iyo cajiin, shaqada waxaan ka bilaabaa budada kadib waxaan ku daraa ukunta iyo  Limewater, mar kasta oo tirada ukunta aad kordhiso qarjacdeeda iyo macaannkeedu wuu sii kordhaa.”

Ubaxyada tukaankan lagu iibiyo waxaa ka mid ah, Butterfly pea flowers, Bougainvillea flowers, ixora.

Da’da Boonrod waa 73-sano, waxey ka mid tahay dadkii ugu horreeyay ee ubaxa ka shiila iibiskiisana ka bilaaba jasiiradda Koh Kret, laakiin habka ay wax u kariso dadka oo dhan ayey u sharraxdaa oo cidna waxba kama qariso.

Boonrod waxey og tahay in ubaxyadeeda shiilan ay macaan badan yihiin,  “Haddii aanuu raashinkeygu macaaneyn cidina igama iibsateen, markay dadku ii sheegaan in cuntadaydu ay macaan tahay farxad dheeraad ah ayaan dareemaa, waa sii iibin doonaa, waa inaad ogaato markaad cunto inaad dib ugu laaban doonto oo mar labaad aad soo cuni doonto

Warbixinta oo dhammeystiran muuqaalka sare daawo

Goobjoog Edu

Related Articles

Close